Sirta kadanbaysa korodhsiga xukuumada Siilaanyo ay ku hamiyayaan!!!!!!!!!

sirta kadanbaysa kororsiga xukuumada siilaanyo!!!!!!!!!

1 
marka hore qofkasta waxaan ka codsanayaa in aanu dhibsan fikirkayga iyo xaqiiqda aan arinkan ka ogahay, hadaad muxaafid utahay dawlada siilaanyo, runta aqbal hadaad tahay mucaarid runta ogow, hadaad tahay shacab somalilander ah oo doorashooyinka  taageera, waqtiga lasoco.
 
xukuumadan maanta joogta waxaan dooranay  2010,  , xukuumadii hore waxaan kuridnay  kordhiso, dadka ha maqlin  taageero waad haysataa, lakiin  lasoco  3 shay bay kukala duwanaayeen xukuumadii  UDUB ee madaxwayne Riyaale hogaaminayay iyo  xukuumadan madaxwayne siilaanyo hogaaminayo.
 
1- xukuumadii  riyaale xilkay jeclayd, kulmiye kurisga ka ilaali ayay ahyd.
 
2- xukuumada siilaanyo, amaantay jeceshahay, mashaariicday  ayay jeceshahay,  arinkaas baa usabab ah kordhiska.
 
3- xukuumadan siilaanyo murankay jeceshahay,  dhaliishana way unugushahay.
 
   akhriste  halkan waxaan ku soo ban dhigayaa,  3 shay ee xukuumadan kordhiska ku eryaya iyo xukun jacaylka ay maanta la soo baxday.
 
1- mashaariicda wadamada reer yurub  somaliland kucaawiyaan    oo  dhamaanaya 2017, xukuumaduna  kama maaranto dhaaqaalaha intaas leeg,,  waxayna u baahantahay  sahay,  ilayn dib looma soo dooranayee.
 
 mashruuca , waxbarashada ee somaliland iyo somaliya la siiyay, oo somaliya looga yaqaano, 1 million student,  ana halmilyan oo arday ah , oo ah mashruuc wayn oo waxbarasho oo wadamada deeqda  bixiyaa  somaliland iyo somaliya siinayaan  ilaa 20018.
 
2-waxbixinta shiidaalka oo somaliland laga soo saarayo 2017, sidaas waxaa sheegay wasiirka macdanta iyo tamarta somaliland mar uu yimid  london,,  xukuumadu kama maaranto in dhaqaalahaas shiidaalka laga helayaa  dhaafo, sahayna way ubaahantahay, ilayn dib loma dooranayee.
 
3- mashruuca  loo bixiyay somaliland development fun,  ee ingiriiska norway iyo  demark somaliland siiyeen,, sanduuqaas  hada waxaa ku jira 54 million ,  xukuumadu waxay ubaahantahay in ay dhaqaalahaas meel ku ogaato suuragalna uma ah in dhaqaalaha intaas leeg  lagu isticmaalo 1 sano iyo badh,  ilayn xukuumadu sahay bay ubaahantahee.
 
 akhriste, doodan  aan soo bandhigay waxay dhextaalaa golaha wasiirada somaliland, waqtigoo gaaban,  mashaariicdii oon kudhamaanayn 2015 , iyo  sahaydii oo meesha kabaxaysa.
 
  xukuumadan siilaanyo , uma kororsanayso  nacayb ay uqabto xisbiyada mucaaradk ah, lakiin  waxay ukororsanaysaa,  wasiiro xisaabtii ay xisaabsadeen meesha kabaxayso  waayo waqtigiibaa sooyaraaday. sahayna way ubaahanyihiin ilayn soo noqon maayaane.
 
waa qalinkii c/risaaq axmed jamac