Sixitaan warsaxaafadeed dhan ka Rarnaa

Sixitaan warsaxaafadeed dhan ka Rarnaa

 MAQAAL

Saxafadda aad ayaan idiin salaamayaa.

Marka hore waxaan umadda reer Somaliland meel ay joogtaba ugu bushaaraynayaa in Bulashada degan Sheffield  ee reer Somalailand ay si wada jir ah uga shaqeeyeen oo ay uga wada hawlgaleen sidii ay doorkooda uga geysan lahaayeen  qadiyada muhiimka ah ee citiraaf raadinta.

Waxaa si wada jir ah looga wada qayb galay in siyaasiyiinta kala duwan ee golaha degaanka Sheffield ee ka soo baxa qaybaha kala duwan ee magaalada lagu wada qanciyo in ay taageeraan motion-ka lagu taageerayo citiraafka Somaliland.

Wiigan dhexdiisii waxa isu yimi xubno ka kala socda qaybaha kala duwan ee magaaalda Sheffield ee reer SL si ay u mideeyaan cududooda iyo codkooda loogana wada shaqeeyo sidii loo soo bandhigi lahaa miisaanka dadka reer Somaliland ee degan magaalada oo lagu soo bandhigi doono isu soo bax iyo petition la saxeexo intaba.

Shirkaa ay yeesheen xubnihii horkacayay abaabulka lagu taagerayo motionka laga ansixin doono Council-ka Sheffield ee ku saabsan in Somaliland la citiraafo, waxa lagu magacaabay gudi ka kooban dhawr xubnood oo isku xidha abaabulka ka socda xafadaha kala duwan ee magaalada.

Waxa aan dhaliil u soo jeedinyaa cidii ka dambaysay warsaxaafadeed shalay loo qaybiyay qaar ka mida saxaafadda Somaliland oo uu ugu horeeyo TV-ga qaranka oo aanay ahayn markii koowaad ee uu hawl heer qaran ah oo ay ka wada qayb qaateen qaybaha iyo ururada kala duwan ee reer Somaliland ee ka jira Sheffield uu ku buun buuniyo oo ku magacaabo jaaliyad gaar ah iyo ashkhaas gaar ah.

Waxa shalay la baahiyay magacyada dhawr shakhsi iyo magaca mid ka mida ururda reer Somaliland ee Sheffield oo sheegtay inay iyagu keeneen guusha ku saabsan in Sheffield ay taageerto qadiyada citiraafka Somaliland. Waxa la magacaabay laba xildhibaan oo ka mida xildhibaanadii u tafaxaytay in ay socodsiiyaan Motion-kaa lagu taageerayo Somaliland, iyadoo ay iska cadahay in aan laba xildhibaan ku filayn socodsiinta arintan ayaa hadana si badheedh ah looga tegay xildhibaano badan oo aanay la’aantood  waxba inoo hagaageen, waxa kaloo aan magacyadooda laba soo qaadin  xubno badan oo reer Somaliland oo abaabulka kaga jira kaalin hogaamineed.

Waxaan u soo jeedinayaa ashkhaastaa isku dayday inay magac hororsadaan, in  qadiyada Somaliland oo si midaysan looga wada hawlgalaa ay ka muhiimsantahay isbuun buunin iyo sheegasho guul aanad keligaa keenin.

TV-ga qaranka waxaan u soo jeedinayaa in aanu cid gaar ah uun iskaga xidhanaane uu dhiiri geliyo midnimada shacabka reer Somaliland.

Saxaafadda kale ee reer Somaliland waxaan u soo jeedinayaa in aanay cidna propaganda ka qaadaane ay sugaan inta motion-kaa la inoo pass garaynayo, waayo danta guud ayaa sidaa ku jirta.

Dadwaynaha reer Sheffield ee hawshan qiimaha leh wax ka wadayna waxaan leeyahay hawshii aad wadeen sii laban laaba, urur iyo ashkhaas gaar isu xayaysiinayaana yay inaga jeedin danta guud.

Alla mahadleh

Mohamed A Issa (M Dheere)
Xubin ka mid ah gudigii loo xulay isku xidhka abaabulka