SIYAASI DUDAYA SIDEE BAA LOOGA DHIGAA MAS’UUL) waa kuma siyaasi?…

 

 

(SIYAASI DUDAYA SIDEE BAA LOOGA DHIGAA MAS’UUL) waa kuma siyaasi. habdhaqankeebaa looga baahan yahayo?

sidaynu ogsoonahay waqtiyadii ugu danbeeyay waxaan maqalnaa siyaasi hebel ayaa dudaya oo rag mas’uuliyiin ah ayaa lakulmay si ay u maslaxaan, hadaba su’aalaha la is waydinayaa waxay tahay waa kuma mas’uul, habdhaqankeebaa looga baahan yahay ileyn dudmo xal ma’ahane iyo siyaasada maku jirtaa in la isu dudo? anigoon carabaabaynin ilaalinayana sharafta qofku leeyahay waxaan daawanaa ama aan ka aqrisanaa website yada hebel ayaa duday oo dudma owgeed masoo shaqa tagin. ama hebel xilkii uu qaranka u hayay waa laga qaaday kadib ayuu sheegay ceebihii yaalay xafiiskii uu ka tagay ama mas’uuliyintii uu la shaqaynayay ceebaha ay lahayeen banaanka kenaa, inkastoo ay dadku jecel yihin intaad shaqada ku guda jirto wixii ceeb ah inaad sheegto ama iska aamu ilayn markii hore waad qarisay oo waad kuwada jirteen ceebtaase. hadaan ka jawaabo mas’uul wax uu yahay? mas’uulku waa shaqsi mas’uuliyad iyo karti buuxda leh, dulqaad badan, jaanqaadka siyaasadeed leh, haduu xil hayo iyo hadii kale uu yahay mid laga garan karo wajigiisa mas’iilnimo. hadaba siyaasadu maxay tahay? siyaasadu waa cashar laga barto hadba shaqada aad ku jirto noocay doontaba ha ahaatee, siyaasadu ma ahan mid la isugu dhaarto ama balan iyo cahdi lakala galo oo way wajiyo badan tahay halkay iska kaa taagtana waa la iska tagaa hadii kale dudaayaad noqon.
GUNTII IYO GUNAANADKA ANIGOO AH MADAXWAYNAHA MUSTAQBALKA WAXAAN USOO JEEDINAYAA SIYAASIYIINTA XILKA HAYSA AMA KUWAAN HAYNIN INAY NOQDAAN KUWA KA SHAQEEYA DANAHA UMADOODA OO AY UGU HORAYSO SIDAAN ISKU DUUBNI ICTIRAAF U HELI LAHAYN IYO DHAQAALE DALKUNA U NOQON LAHAA SIYAASIYIIN HUFAN
f:president mohamed osman email:awaadan5@hotmail.com lasoco maqaal mas’uuliyadeed maamuusleh