Socdaalka Madaxweynuhu Waa Sumad Qaran ..Qalinkii: Liban Ismail Abdilahi

liibaan

Socdaalka Madaxweynuhu Waa Sumad Qaran

Waxay ahayd uun dhawaan markii uu madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland uu safar ku gaalaa bixiyay gobalada galbeedka iyo bariga Somaliland kaas oo uu lugta mariyay inta badan gobalada iyo degmooyinka ku teedsan ama ku dhereran xeebta oo aanay inta badan masuuliyiinta dawladihii kala danbeeyay aanay gaadhin, taas oo ah in aan xaaladooda ama baahiyahooga gaarka ah ee ay u baahan yihiin ka bulsho ahaan aanay cidi hore u ogaan, isla markaan ay ka aradnaayeen inay mar uun arkaan madaxdooda iyo masuuliyiintooda si ay ugu gudbiyaan wixii adeeg bulsho ah ee ay tabayaan, waayo soomalidu waxay tidhaahdaa  Bariidaduna waa sad.

Hadaba akhriste waxa qodabkaa xaqiijiyay madaxweyne Siilaanyo, isagoo hogaaminaya badiba golahiisa wasiirada intoodii ugu mudnaynd ama adeegyada bulshada ugu mihiimsanyad, si ay xog-ogaal ugu noqdaan xaaladaha iyo duruufaha ku hareeraysan isla markaana uga fal celiyaan hadba wixii tamari gaadho.

Waxaan akhriste ka dheehan karnaa socdaalka madaxweynaha rajada iyo yididiilada uu ku doonayo inuu dalka wax ugu qabto si uu horumar u gaadhsiiyo. Waxa iyaduna xusid mudan akhriste inay tahay markii ugu horaysay ee madaxweyne gaadho Laas-qoray isla markaana si diiran loogu soo dhaweeyo.

Dhinaca kale intaan xusuusto safarka intaa lee gee uu madaxweynuhu ku gaadhay badiba dhulka xeebta ah ayaa Iyana ah markii u horaysay. Waxa iyana muhiim ah in uu goob kasta uu ka muujiyay in wax la wada qabsado  si horumarku u taabo qaado. Isagoo isla markaana inta badan goobahaas ku dhagax dhigayay mashaariic intay doonaanba ha leekaadaane.

Waxa kale oo uu madaxweynuhu dhaqaajiyay bilawga mashruucii ugu balaadhnaa dalka ee  dhismaha wadada Ceerigaabo, isku soo wada duuboo akhriste intaas aan sheegnay iyo inta ka badan ee aynaan xusin waxay geesta kale fariin cad u tahay dadka borobagaandada ka shaqeeya ee odhan jiray ma taliyo iyo tamar ma leh, isla markaana waxay dhambaal u tahay beesha caalamka oo mararka qaar soo saara digniino amni ama nabad gelyo, waxaanay tusaysaa in iyadoon Jamhuuriyada Somaliland aqoonsi caalamiya helin inay tahay umad u heelan oo u halgamaysa siday heer u gaadhi lahaayeen.

QALINKII: Liban Ismail Abdilahi

EMAIL: Liibaanhanad79@gmail.com