Somaliland: Sadexda Xisbi Qaran Miyey Ku Raacsan Yihiin Gudoomiyeyaashooda Boorarma? By Prof. Hared Odah

Somaliland: Sadexda Xisbi Qaran Miyey Ku Raacsan Yihiin Gudoomiyeyaashooda Boorarma? By Prof. Hared Odah

photoWaxaa reer Somaliland ku MAGACXUMO ah, gaar ahaan Madaxweynaha iyo madaxda saddexda Xisbi Qaran, in beesha Ciisaha Bari ee dorraad dagaalka loogaga qixiyey Somaliland, “Maxaad SNM ugu hiilinaysaan oo Siyaad Barre noola taageeri weydeen” in maantana loogu hanjabo dalka ma soo degi kartaan!”

Shalayto, waxaa wadajir war saxaafadeed hadalkaas kaga bayaamiyey magaalada Boorama saddexda guddoomiye-heer-degmo ee saddexda Xisbi Qaran. Hadalladaasina, tirtirsiinta dagaal-alooska ka sokow, waxa ay ku liddi yihiin muwaadinnimada Somaliland sida ku cad Dastuurka Somaliland.

Dastuurka Somaliland — Qoddobka 4aad, faqradiisa 1aad — waxa uu dhigayaa: Qof kasta oo ahaa ama abkii ahaa reer Somaliland 1960gii ka hor, waa MUWAADIN Somalilander ah. Waa meel-kaga-dhac Dastuur Qaran, marka saddexda Xisbi Qaran rag metelayaa qoddobkaas Dastuuriga ah ay warsaxaafadeed ku beeniyaan, uguna hanjabeen beel ka mid ah beelaha Somaliland inayna degi karin dalka.

Udub dhexaadka dastuurka Somaliland, waxa uu ku sallaysan yahay Axdi Beeleedyadii lagu heshiiyey 1991 iyo 1993, laguna kala qabtay Burco iyo Borama. Beesha Ciisana, waxa ay ka mid ahayd beelaha saxeexay AXDI BEELEEDYADA. Qof kasta oo u dhashay Ciisaha Barina – qolqoljoog, derisjoog iyo qurbajoogba – waa muwaadin Somaliland.

Saddex nin ee u-qabyaalad-hadlaya isku-halaynta cod-raadinta xukuumadda Silanyana, ma duudsiyi karaan xaqqa muwaadinnimo ee Ciisaha Selel iyo Awdal. Waana cunsurinimo marka koox magac Xisbi Qaran hulaabani dalka guddihiisa kaga qabyaalad-dhawaaqaan in beelihii Axdi Beeleedyadaas saxeexay aan qaarkood loo oggolayn in ay soo degaan dalka.

Madaweynaha Somaliland iyo Guddoomiyeyaasha saddexda Xisbi Qaran, waxa aan ka sugaynaa haddaan Beesha Ciise nahay inay (1) mabda’a ahaan u cambaareeyeen hadalkaas ragga Xisbiyadooda metelayaa kaga dhawaaqeenn shalayto magaalada Boorama; (2) Xilka guddoomiyenimo ka xayuubiyaan dagaal-oogayaasha iska hor keenaya labada beelood ee wada deggen Gobolka Awdal; (3) Siyaasadda ahaan u caddeeyaan in dibudejinta SELEL iyo AWDAL ku sallaysan tahay heshiiskii saddex geesoodka ahaa ee ay wada galeen dawladaha Jabuuti, Somaliland iyo Hay’adda Qaxootiga Adduunka ee UNHCR sannadkii hore, laguna soo afjarayey shaqaaqadii boobkii doorashadii degaannada gobollada Selel iyo Awdal; iyo (4) Xeerka dalka lala tiigsado ciddii kasta ee khalkhal gelinaysa nabadda beelaha Somaliland labaataneeyaha sanno ku soo caanomaaleen.

Haddii Xukuumadda Silanyo iyo madaxda Saddex Xisbi Qaran tallaabada waafaqsan xeerka sharci-dhawrka iyo nabad-ilaalinta ka qaadi waayaan, waxaa laga yaabaa inay arrintu ku damabayso gunnaanadkii sheekadii “Boos Cawar” ee Bariga Somaliland ka caanka ah. Waa ninkii KIBIRKII tobanka wiil iyo geel-badni luggoysay, Ismaaciil Mirena gabayga inoogu halqabsanay markuu lahaa “Kaarkuba ma joogeen hadduu keeni tuluddiiyee …. “. “Boos Cawar” waxaa laga hayaa goortii dhuunta waran lagaga qabtay ee DARDAARAN la yidhi: “Raggow kibirka waa lagu kufaa, kaa ha la ogaado!”

Prof. Hared Odah
hared.odah@gmail.com>