SONYO DHALINYARADA WAXAY BARAYSAA CADAALAD LA’AANTA

SONYO DHALINYARADA WAXAY BARAYSAA CADAALAD LA’AANTA

Waxaan doonayaa inaan si faahfaahsan uga hadlo in ururka la magac baxay SONYO oo yahay urur dhalinyarada wadanka ku barbaarinaya ama baraya oo casharo ka siinaya arimahan

1.cadaalad la’aanta

2.maasuqmaasuqa

3.maamul xumada

4.wax is daba marinta

5.qabyaalada

6.iyo arimo kale oo badan

Hadaba waxaan odhan karaa in ururkaasi uu yahay urur ku  caan baxay lunsashada shilmaadka loogu talo galay horumarinta dhalainyarada.

Mahadsanid

Hinda ahmed

Hindaqaali_ahmed@hotmail.com

Berbera-somaliland.

SONYO YAA GARANAYA?!!!

Dhamaan dhalinyarada Somaliland ma garanayaan SONYO waxay tahay sharaf darona waxay ku tahay urukaa la magac baxay magaca dhalinta wadanka.

Xaqiiqada marka laga hadlo maaha urur la garanayo maaha urur loo simanyahay maaha urur cadaaladi ka muuqato laakiin waa urur ay iska leeyihiin shakhsiyaad ku maareeya baahiyohooda gaarka ah marka la eego dhankoodana waaku ceeb inay magaca dhalinyarada wadanka ku dawarsadaan ama ku qudhaabtaan

Nasiib wanaag manta waa wax lagu farxo inay dhalinyaradii wadanku dareemaan khaladka jira.

Waxaan usoo jeedin lahaa shakhsiyaadkaasi inay ka tanaasulaan magaca dhalinyarada ee ay ku baahi baxayaan samaystaana mid ugaara oo aan cidi ku dhaliilin laakiin magaca SONYO hadii aan loola jeedin soo gaabin uqarsoon bahda hogaamisa ururka maaha mid laga yeelayo inay ku takri falaan magaca bulsho weynta dhalinyarada Somaliland

aad baad umahadsantihiin dhamaan dhalinyarada wadankoow

Mohamed ali farah

Mohamedali_farah@hotmail.com

Oodweyne-somaliland