SONYO IYO DHALNYARADA WADANKA SOMALILAND.

SONYO IYO DHALNYARADA WADANKA

Waxaan maqaalkan si kooban ugaga faaloonayaa xidhiidhka ka dhexeeya SONYO iyo DHALINYARADA WADANKA waxaan shaki ku jirin in gebi ahaan ba dhalinyarada wadanku aanay garanayn dallada loo magac bixiyay SONYO iyo waxay utaagantahay iyo cida hogaanka maamul uhaysa hadaba waa suaale cadaalad iyo wanaag ma ku dheehantahay in magaca dhalinyarada shakhsiyaad ku hawl galaan ?!!! jawaabta akhriste adaan kuu dhaafay.

Waxaa lama huraana hadii SONYO dalladii dhalinyarada qaran tahay in ay noqoto mid laga xalaal miirtay laakiin taasi meesha kuma jirto oo kooxbaa ay utahay ganacsi gaara ama urur iyaga ugaara(private sector)

Waxaa sharaftu ku jirtaa in dhalinta wadanku u dhamaato dallada SONYO waxaanan usoo jeedin lahaa xubnaha isku bahaystay nidaamkan qariban ee maroorsiga ku salaysan waxaanan odhanlahaa nidaam maroorsi ku salaysan waa kii aynu diidnay ee Somaliland gooni isu taageedii ula soo noqotay idinkuna ha ku noqonina dhalinyarada wadanka sidii kaligii taliyihii macangaga ahaa ee siyaad bare ee aynu ka diidnay inuu wadankeena ka sii taliyo inaguna khasbay inaynu dawlad madax banaan noqono

Waxaan kula talin lahaa hogaanka SONYO inay dib uga fiirsadaan qaabka maamul ee ay uhogaaminayaan dallada iyo inay ka saaraan meesha inay ka dhigtaan goob ay si gaara ugu shaqaystaan oo ganacsi (private business)

Aad baad umahdsantahay akhriste iyo saxaafada madaxa banaan

Qore:Abdifatah basher Hassan

basherson@gmail.com

burao,togdheer,somaliland

Â