SONYO NAMA MATALI KARTO….Oodweyne.daadmadheedh Somaliland

SONYO NAMA MATALI KARTO

Waxaan halkan uga mahad celinyaa ilaahay (SW) marka labaadna saxaafada madaxa banaan

Waxaan jecelahay inaan in yar wax ka idhaahdo arimaha ku saabsan magaca dallada SONYO run ahaantii magaca lagama been sheegin laakiin hogaaminteedii waa laga been sheegay waxaana magacii sharafta lahaa ee dhalinyarada ku maxaafsanaya shakhsiyaad ka mida dhalinyarada oo gartay inay iyagu iska leeyihiin ama kala dhaxlaan danahooda gaarka ahna kuwata

Halkan waxaan dhaliil uga jeedinayaa dawlada oo aan hubin hogaanka dalladan warna ka  hayan qaabka foosha xun ee maamulka gacanta ay ugu hayaan shakhsiyaad dhalinyaro ah oo aan dhalinyarada wadanka xidhiidh la lahayn una malaynaya inay dalladu tahay mid ay iyagu iska leeyihiin siday doonaana ka yeelaan

Anigu waxaan ku talin lahaa dallada heer qaran waa inuu madaxweynhu soo faro geliyaa dhalinyaradii soo dooratayna eegaa inay shakhsiyaad ku takri falayaan magaca dhalniyarada wadanka

 

Wa bilaahi tawfiiq

Hinda ahmed

Oodweyne daadmadheedh Somaliland

SONYO HEER QARAN LAGUMA SHEEGI KARO

SONYO HEER QARAN LAGUMA SHEEGI KARO

Dhmaan waxaan salaam iyo bogaadin udiryaa dhalinyarada Somaliland ee wadanka ku nool iyo kuwada daafaha aduunka ku nool waxanan ku boorinyaa inay gacmaha isu qabsadaan horumarka dalka iyo dhismaha wadooyinka iskana ilawaan magaca ay ku takri faleen shakhsiyaadka gaar ah eek u ciyaaraya magaca balaadhan ee dhalinyarada wadanka SONYO waxay tahay waa la fahmi karaa laakiin uma malaynayao in la fahmayo cida hogaamisa lamina yaqaan dhalinyaro fara badan waxay ogsoon yihiin in magaca dhalinyarada ay ku maxaafsadaan ama ku dawrsadaan kooxo shakhsiyaad ah oo aan dan ka lahayn dhalinta wadanka iyaguna ku wata danahooda gaarka ah

Dhamaan bah weynta dhalniyarada Somaliland waxaan ugu baaqayaa inaanay taageerin waxaa loogu magac daray  (sanduuqa dhaqaalaha) kaas oo lagu taageerayo kooxda ku qudhaabanaysa magaca dhalinyarada dalka

Fadlan ha ka qayb qaadan eek u dar oo kaga qayb qaado dhaqaalahaaga wadooyinka dalka ka socda

Dhamaan bahda warbaahinta waan umahd naqayaa

Yasin cumar siciid

Burco, togdheer,somaliland