SONYO WAA URUR IS MAGACAABAY.

SONYO WAA URUR IS MAGACAABAY

Waxaan mahadinayaa ilaahay (SW) waxaan kaloo umahad celinayaa warbaahinta sharafta leh ee intabadan u heelan gudbinta waraka waxtarka leh

Waxaan doonayaa inaan si kooban ugaga hadlo qormadan ururka loogu yeedho SONYO oo ah urur ushaqeeya si heer qaran ah laakiin !!!

Hadaan ku horeeyo waxa looga jeedo SONYO waa kalmad loo soo gaabiyay weedhahan (Somaliland national youth organization) hadaba suaasha is waydiinta mudani waa hadafkii magacaasi lahaa ma fulay mise maya?

Waxaa kaloo is waydiin mudan ururka hab maamulkiisu waa side? Iyo uruku ma matali karaa dhamaan dhalinyarada Somaliland ? jawaabah ka feker adiga ayaana mudan inaan kuu dhaafo jawaabaha.

Hadaad ufiirsato hogaaminta dalladani waxaa kuu muuqanaya inay tahay dallad cid gaara kooto ugu jirta taasina waa mid caddaana oo marag ma doona.

Waxaa xaqiiq ah in ururkani koobsaday dhamaan waxa lagu tilmaamo (maamul xumo,cadaalad daro,maasumaasuq,iyo qabyaalad,) taasina maaha mid dhalniyarada wadanku aqbalayaan

Ku maxaafsiga magaca dhalinyaradu maaha mid ku haboon shakhsiyaad baahi daboola oo soo shaqo tegay.

Waxaan kula talinayaa hogaanka SONYO eek u caan baxay maamul xumada inay iskaga tanaasulaan magacaas oo mid qudhaabka usuurta galinya samaystaan

Waxaan ugu baaqayaa dhalinyarada wadanku inaanay yeelin oo aqbalin saaxibadood inay ku barbaaraan cadaalad daro,maasuqmaasuq, iyo maamul xumo waayo beri ka maalin waxaa tihiin hogaanka wadankani yeelan doono cod midaysan ku qaadaca urukan dhalinyarada lagu barayo anshax xumada, maamul xumada,iyo qabyaalada,

Nebigeena muhamed (scw)wuxuu yidhi ( WALAALKAA U GARGAAR HADUU DULMANYAHAY IYO HADUU DAALIM YAHAYBA) taasina waxay caddayn utahay inaynaan ka aqbalin hogaanka SONYO qaladaadka ay ka dhex wadaan dhalinyarada Somaliland

 

Aad baad umahadsantihiin dhammaan saxaafada Somaliland  Qalinkii:Abdifatah Basher Hassan

basherson@gmail.com

burao.togdheer,somaliland