Suldaanka guud ee dhaqanka ee Beelaha Habar Yoonis waa suldaan Maxamed Suldaan Xirsi Qali inta kale siyaasada ayay dilaalaan!,

 MAQAAL
heesaha geela loogu heeso waxaa ka mid ah nina dhuuni buu kuu dhex joogaa nina dhaqasho ayuu kuugu dhabar jabay! saldalada guud ee beelaha habar yoonis ayaa iyadu ah mid aad u facweyn oo ka soo jeeda suldaan diiriye sugule caynaashe, suldaan diiriye oo ahaa suldaankii labaad ee beelaha reer sheikh isaxaaq marka laga yimaad suldaanka guud ee beelaha isaaq suldaan guuleed,

sida taariikh yahanadu ka sheekeeyaan intaan suldaan diiriye la boqrin ayaa isaga oo yar oo geed ku taagan ayay odoyaal geedka ku hoos shireen markaasay is weydiiyeen arintan ay u fadhiyaan inay odoyaal badan oo kale u soo Koror sadaan halkii ayay yidhaah deen waar odoyaal inoo doona xaajada inalagala markaasuu suldaan diiriye isaga oo qayd sita oo geedka lagu shiraayo korka kaga taagan ayaa yidhi waar odoyaal ha gurinee wax aqoon gura! halkaas ayaa geedkii laga soo dejiyay suldaan diiriye isaga oo yar oo odoyaashii arinka u fadhiyay lagu daray! waa markii ugu horeysay ee talada reerka uu ku soo biiray ee uu wax ka go-aamiyo,

ilaa laga boqray oo uu saldaladii beelaha habar yoonis ka hoos saaray suldaan guuleed oo markaas garxajis iyo isaaq oodhanba suldaan u ahaa umada reer sheikh siaxaaqna waabay yarayd oo sidan looma tarmin markaas deegaanada lajoogayna sidaas umay kala fogayn waxa loo sameeyay suldaan diiriye guurti ka kooban ardaayada beelaha habar yoonis oo wixii beesha ku soo kordha go-aan ka gaadhi jiray suldaan diiriyena gudoonka danbe ayuu lahaa waxa uu sameeyay xeer dhaqan aad u balaadhan oo lagu kala saari jiray beelaha uu suldaanka u yahay kaas oo uu ka soo gaadhsiiyay nin kii dabin sagaaro xidha ee ay u gasho ee mid kale kala baxo waa sabeen laba jira oo adhiya!,

saldaladu way sii jirtay oo waxay ahayd mid qori isu dhiiba in kasta oo ay waqti dhexe muran iyo is qabqabsi gashay reer suldaan diiriye dhex diisa ah hadana waxay saldhigtay oo sifiican kaalinteedii u buuxisay markii la boqray suldaan xirsi qani IHN oo fadhigiisu ahaa magaalada burco waqtigii ingiriisku dalka xukumaayay suldaan xirsi qani waxa uu ahaa qof ilaahay uu siiyay haybad suldaan oo dhamaystiray cibaado, codkarnimo, qurux, deeqsinimo iyo haybad, 

waxa isaga kasii dhaxlay saldalada suldaan yuusuf suldaan xirsi qani waxa suldaan Yusuf ka sii dhaxlay suldaan ciise, suldaan ciise isna waxa ka dhaxlay suldaan maxamed suldaan xirsi qali oo hada ah suldaanka guud ee beelaha habar yoonis,

hadaan intaas ku dhaafo taariikhda saldalada reer suldaan diiriye ee aadka u balaadhan oo ah mid u baahan in buug laga qoro aan u yar dhaadhaco wax qabadkii iyo kartidii uu muujiyay intii uu xilka hayay suldaan maxamed suldaan xirsi qani dadku waxay kala baxaan marka howli timaado inta ka horeysa ee ay isku huursan tahay waa wada halyey miidhan iyada oo aan lasoo koobi Karin wax qabadka suldaan maxamed wuxuu si balaadhan oo mugleh uga qayn qaatay xal u helida dhibaatadii aadka u balaadhnayn ee ka dhacday magaalada daroor taas oo dhex martay beelaha walaalaha ah ee ciida gale iyo habar yoonis,

waxa kale uu mudo aan ka yaran sanad u dibjiray oo uu aakhirkii soo xaliyay dhibaatadii balaadhnayd ee ka dhacday cadaada ilaa dhoobo guduud ee dhex martay beesha habar yoonis iyo ciidamada kililka shanaad ee layidhaah luyuu boliska ilaa uu aakhirkiina magaalada jigjiga kasoo daayay dad aan waxba galabsan oo xoolo dhaqato ah oo ciidamada luyuu bolisku ka kaxayteen laanqeyraha arabka, aakhirkiina waxa uu magaalada gaashaamo u soo gelbiyay madaxweynaha kililka shanaad cabdi maxamuud cumar (ina iley) oo isagu halkaas ka balan qaaday nabad gelyo buuxda oo ay deegaanku ka helayaan ciidamada luyuu boliska mashaariic badana oo deeganka laga hirgelinaayana kaga dhawaaqay,

waxa uu suuro geliyay oo uu qayb weyn ku lahaa shirkii balaadhnaa ee beelaha habar yoonis ku qabsadeen buurta daalo kaas oo xukuumadu siilaanyo lug iyo laan isugu taagtay inaanu shirkaasi qabsoomin iyada oo u adeegsatay kuwo magaca reerka kasoo jeeda oo weliba salaadiin sheeganaya!,

hada waxa uu soo afjaray dhibaato aad iyo aad u foolxun oo aano qabiil ah oo dhex taal laba ardaa oo reerka ah oo mudo ku siman dhowr iyo toban sano socotay oo galaafatay nafo aan waxba galabsan arintaas oo cid kasta oo islaama oo deegaanka iyo dalka Somaliland ku nool xanuun ku haysay taas oo ka dhacday deegaanka oodweyne,

wuxuu ka soo baxay suldaan maxamed suldaan xirsi qani waajibkii qaran iyo kii qabiil ee loo igmaday halka kuwo badan oo hada is cumaamaday oo suldaanimada u qaatay in madaxtooyada hargeysa lagu booqdo oo aad arkayso iyaga oo marba shir siyaasad lagaga hadlaayo dhex fadhiya oo mikirifoonka u fak fakanaya bal inuun in TV yada laga daawado!

waxaan ku soo xidhayaa boqortinimadu maaha in caano lagugu shubo cumaamad rishwaana degta saaratid ee waa mid ilaahay baxsho oo hibo eebe ku timaada! 

Aadan Axmed Nuur

London