Tacsi Ku Socota Ehaladii, Saaxiibadii, Iyo Guud Ahaan Ba Dadka Reer Somaliland Geeridii Ku Timi Maxamud Jaamac Gurey (Gaadhi-Jiidh)

ttacsi

Tacsi naxdin leh. Inna llilaahi wa inna eleehi raajicuun,
Abdilahi Mohamed Duale, wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Somaliland iyo xaaskiisa, Ali Jamac Ahmed (guush) iyo xaaskiisa, Adam Muse Jibril iyo xaaskiisa waxay halkan taci u mrinayaa warbaahinta sharafta mudan ee Somaliland, tacsi ku socota Ehaladii, saaxiibadii, iyo guud ahaan ba dadka reer Somaliland geeridii ku timi Maxamud jaamac Gurey (Gaadhi-jiidh) oo ahaa guddoomiyihii guddida beesha bariga Burco oo maanta ku geeriyoodey magaalada Burco. Marxuumku waxuu ahaa nin sharaf iyo Ixtiraam ku lahaa guud ahaan bulshada Somaliland, mowqif cadna ka taagnaa qaddiyada nabadda iyo dib-u-heshiisiinta ummadda Somaliland, waxaanu Caan ku ahaa geesino iyo hal adayg mowqifiisa.
Naxariistii janno Eebe ha siiyo sabir iyo iimaanna ha Ina siiyo:

1- Abdillahi Moxamed Ducaale Wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Somiland.
2-Ali Jamac Axmed mamulaha guud ee Dahabshiil Company Ee dalka Ethiopia,
3-Iyo Adam Muse Jibril oo ah qoraa madax bannaan
Wa billaahi tawfiiq