Tubtii Horumarka Ayeynu Haleelnay Dadkaygiiyoow Qalinkii Eng Mohamed Abdiramaan –

Tubtii Horumarka Ayeynu Haleelnay Dadkaygiiyoow Qalinkii Eng Mohamed Abdiramaan –

TUBTIIDhamaan waxaan salaamaya ummada islaamka meelkasta oo ay joogto khaasatan reer Somaliland , salaan ka bacdi waxaan go,aansaday in aan daaha ka rogo faahfaahina ka bixiyo horumarka ay aanu gaadnay muddadii 22-ka sanno ahayd ee aanu xoriyadeena la soo noqonay.

Maqaal kaliya kuma soo koobi karo horumarka balaadhan ee aynu gaadhnay, dhamaanteena waxa inagu waajib ah in aynu alle ugu mahadnaqno nimcooyinka uu ina siiyey oo ay ugu horayso nabadgalyo dowladnimo, cadaalad, horumar dhibackasta tabanaaya , isqadani iyo kaladanbayn sharafi ku lamaantahay , guusha aynu gadhayna maaha wax aynu gacmaheena ku samaysanay laakiin waa nimco Alle inagu manaystay, maanta waynu ognahay mandiqadan aanu ku noolahay in ay tahay mandiqad holcaysa oo dagaalo kala waji duwani ka socdaan iyo siyaasado

qalacsan oo aan waxba xeerinayn, waxaana laynoga bahanyahay in aynu ku cibra-qaadano waxa dalalka dariskeena ka dhacaaya oo aanu ka foojignaano in ay saamayn inagu yeeshaan. 26-kii February sanadkan maalintuna ay ahayd arbaca ayan hargaysa ka baxay oo aan u jarmaaday magaalo madaxda gobalka tagdheer ee burco, muddo aan dheerayn ayaa igu danbaysay inaan maro wadda isku xidha hargaysa ilaa berbara, safarkaas waxaan indhahayga ku soo arkay wax aanan filayn, waa cajiib , bilownay safarkii gaadhiga waxaanu ku saaranahay ilaa 7 qof, markii aanu gaadhnay haleeya oo an sidaas uga sii fogayn magaalada hargaysa ayaan abdi xariir oo gaadhiga dirawl kahaa su,aal waydiiyey oo aan ku idhi “waar abdi maana waalan mise cadan baal laga heesayaa”

Abdi oo yaaban ayaa igu jawaabay “oo maxaa dhacay eng? ” aniga oo aad u fakaraaya ayaan ku idhi “ sxb laamiga maan filayn ee ma haleeya ayuu ku eeg yahay, ilama ah in aynu meel sidaas u sii fog in la gaadhsiye laamiga qiimahan leh”. Abdi oo qoslaaya ayaa igu jawaabay “ Mohamed indhahaaga ayaa ku mara-kici …… 120 km ayeynu laamiga laynaynaa waana la sii wadaa ilaa sheikh” intaas ka bacdi Afku juuqda ayuu igabay mudadii wadda la wadayna waxaan u haystay sidii hore uun in ay wax u socdaan.

Socdkii waanu sii wadnay ilaa magaalada la yidhaado xamaas oo hargaysa u jira masaafo ah 120 km maanan arkin meel dayacan… maanan arkin meel la khiyaameyey oo tayo xumo ka muuqato… mudadaas waxaanu ku jirnay safar ay raaxo ku dheehantahay oo daal iyo tacab midna lahayn, mida kale waxaanu la Ashqaraarnay oo aanu ku indho doogsanay quruxdii iyo qiimihii laamiga ka muuqday.

Xuukumad kasta oo ina soo martaa waxay lahayd astaan oo shay aynu ku xasuusano, tusaale xukuumadii A/rahmaan tuur wax uu ku guulaystay dhamaystirkii xoriyada aynu maanta ku taamayno, madaxwayne cigaal wax uu ku suntanyahay nabadaynta dalkeena iyo astaanta dowladnimo madaxwayne cigaal “nabadgelyo waarta iyo xasillooni buuxda ay saldhig u yihiin,” madaxwayne Daahir Riyaale waxa uu ku suntanyahay milgaha dowladnimo iyo taabo galinta doorashooyin xor iyo xaal ah.

Xukuumada madaxwayne siilaanyo waxaan uu qarankan ugu suntan yahay xukuumadii wax-qabadka , waxaynu ognay in madaxwaynuhu si xaqiiq ah u fuliyey balanqaadkii ,uu balan qaaday wakhtigii doorashadii madaxwaynaha , intoodii badnay waxa uu ku amaananyahay wax-tar aan la soo koobi Karin oo uu ku talaabsaday mudadii koobnayd ee uu xilka dalka hayey.

Madaxwayne siilaanyo wax uu ku dhiiraday arrinmo badan oo hore laygu dhiiran wayey kuwaas oo ay ka mid yihiin: badalaadii lacagta gaynbaarta ee reer gobolada bari, darajo siinta ciidamada kala duwan ee qaranka, ka dhabaynta furashada ururo siyaasadeed, taabo galin ta doorashooyin golaha deegaanka, ku dhaqanka siyaasad furfuran oo soo jiidata indhaha caalamka, horumarinta waddooyinka khaasatan wadadda ceerigaabo, la dagaalanka musuqmaasuqa, taabo galinta wax barsha hoose dhexe oo bilaash ah, dabarka furista iyo taageero aan laxaad lahayn taas oo ah in ay dhalinyartu ku soo biirto masraxa siyaasada .

Hadaba haddii aanu intaas isla garanay waxaanu u baahanyahay in aanu isbarbar taagno xuukumadeena oo aanu taareero laxaad leh u muujino qof waxa lagu taageera wax-qabad iyo karti xuukumadeena maanta talada haysaa waxay haysaa wadaddii tubta nolosha tuusan waxaanu leenahay mudane madaxweyne dhag ha u dhigin dadka xumaan ka taliska ah ee aan arkayn wanaaga dalku iyo dadkuba gaadheen .

Gun iyo guraanad aniga oo aan intaas ku soo kooban maqalkan oo an ka dhigi doono maqaal taxane ah waxaan talo iyo waano u dirayaa dhamaan ummada reer Somaliland meelkasta oo ay joogaan waxaan leeyahay dadkaygiiyooow qof kasta aanu ku taageerno wax-qabadkiisa wanaagsan ka aynu diidana aanu ku diidno wax-qabad xumadiisa , reer somalillandnoow haddii aanu doonayno in aynu ku faro adaygno nimcada Alle inagu manaystay aynu ka fogaano shaadh xume qabiil, maanta waxaynu ka dharagsanahay qabyaaladi waxay tahay. Aanu ka fogaano wax kasta oo qarankeena lugooyo ku ah oo aynu ka fiirsano warka inaga soo gaadhaya dadka aan wanaaga iyo horumadka mid aan ka talin balanteenu waa bulsho wanaag ka talis ah .

Thanks

BY ENG: MOHAMED ABDIRAHMAN ABDILAHI

(MOHAMED CADDE)

Hargeysa Somaliland

mohammedcadde100@gmail.com