“Universal Tv Waa Cadawga Somaliland, Ganacsatada Reer Somaliland Ee Aanu Aragno Iyagoo Macaamil La samaysa Cadawga Dalka Talaabo Ayaanu Ka Qaadi-Doonaa” Wasiir Cakuse!!!.

cukuse

Hargaysa (SM) Wasiirka Warfaafinta Somaliland Mudane C/laahi Daahir
Cakuse ayaa mar sadexaad ku
celiyey mawqifka adag ee Xukuumada Somaliland ay ka taagan tahay Tvga Universal.
Munaasibadii Daahfurka barnaamijka luuqada Carabiga Oo lagusoo
kordhiyey Televisionka Qaranka Somaliland ayaa wasiir Cakuse mar
sadexaad sii ta’kiidiyey mawqifka xukuumadu ka taagan tahay Tvga
Universal waxaana wasiirku munaasibadaa ka Yidhi ” Waxaan halkan mar
sadexaad iyo mar afraadba ka Cadaynayaa inaan Tvga Universal Oo ah
Cadawga somaliland aanan ka ogolaan doonin mar dambe inuu ka hawlgalo
dalka somaliland, Ganacsatada reer somalilandna waxaanu ku
wargelinaynaa inay ganacsigooda xayaysiisyadiisa ay ka joojiyaan Tvga
Cadawga ku ah qaranimada Somaliland, inta Ganacsigoodu haatan ku jiro
ee hore heshiiska ula galay marka heshiiskaasi dhamaado lama arki karo
wax dambe oo macaamil ah oo ay la samayn karaan Tvgaas, inta aan
macaamilka la lahayna waxaanu leenahay lama yeelan kartaan, xaq uma
laha in Cadawgeena aad maalgelisaan oo lacagtiini qarankan lagu
waxyeeleyo anaguna ma yeelayno”.
Hadalka wasiir Cakuse ayaa waxa uu dhadhaab afka ood laga saaray kusii
noqday Tvga Universal.
Xaalada Tvga ayaa iyadu ah mid heerkiisa Dhaqaale, Sumcad iyo
jiritaanba uu hoos usii dhacayo, laga soo bilaabo markii ay tvgan ka
tageen weriyeyaashii Ruug Cadaaga ahaa ee ay kamid ahaayeen, 1-Ridwaan
Xaaji Cabdi Weli iyo Aamina Muuse Weheliye Hadana ay ka Daba Tageen
Weriyeyaashi Magaca Iyo Sumcadooda Uu Tvgani ku Tamarinaayey Ee Axmed
Xasan Cawke Iyo C/salaan Ibraahim Hereri waxaa halmar dhulka tagtay
kalsoonidii malaayiin  soomaali ah oo ku xidhnaa daawashada Tvga
Universal, halka xidhitaanka iyo Xayiraada kaga timi Somalilandna ay
sii damisay taageeradii dhaqaale ee uu ka heli jiray bulshada reer
Somaliland.
Xaalad adag ayaa haatan Tvga Universal Uu ku sugan yahay waxaana
suurta gal ah hadii xaaladiisu ay sidan sii ahaato ayaa waxaa suurta
gal ah inuu Albaabada laabto.

Salaanmedia/Hargaysa