Ururka LEAD Oo UNHCR Uga Digay In Ay Dagaal Sokeeye Ka Huriso Saylac iyo Lughaya

Ururka LEAD Oo UNHCR Uga Digay In Ay Dagaal Sokeeye Ka Huriso Saylac iyo Lughaya

news

March 26,2014 Washington(Cadceed)Ururka LEAD Oo UNHCR uga digay inay dagaal sokeeye

ka huriso Saylac iyo Lughaya Washington – Golaha xoojinta hoggaanka iyo horumarinta (LEAD) ee fadhigiisu yahay Maraykanka woqooyi (north America) ayaa hay`adda qaramada midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR uga digay ka qaybqaadashada waxa uu ugu yeedhay dagaal
sokeeye oo ka aloosma deegaannada Lughaya iyo Saylac haddii la isku dayo soo dejinta dad ajnabi ah oo aan deegaannadaasi u dhalan.

LEAD ayaa dhanbaal uu u diray UNHCR ku caddeeyey mowqifka reer Awdal ee ku aaddan qaxootiga xerada Cali Cadde ee dalka Djibouti, wuxuuna ururkaasi sheegay in dadka xeryahaasi deggani yihiin dad reer Djibouti ah oo waddanka gudihiisa ka barakacay hayb ahaanna dhammaantood ku abtirsada beesha Ciise. Dhanbaalku waxa kale oo uu sheegay inay Somali Land nabadi ka jirto ku dhawaad 20 kii sannadood
ee u danbeeyayba, dhammaan dadkii ka qaxayna ay ku soo laabteen kadib markii ay dagaalladii sokeeye dhammaadeen, taasina ay meesha ka saarayso in laga sheekeeyo qaxooti Somali Land ka maqan xilligan maanta ah.

Dhanbaalkani waxa uu su`aal geliyay sobobta ay UNHCR baadhitaan iyo ra`yi eegid uga fulin laadahay deegaannada Lughaya iyo Saylac maadaama ay dadka deegaanka lihi iyagu ka jawaabi karaan inay cidi ka maqantahay iyo inkale. Dhanbaalkani oo ku soo baxay afar bog oo ku qoran luqadaha English iyo French ayaa loo cuskaday tixraacyo hore iyo warbixinnno ay UNHCR lafteedu ka soo saartay xerada qaxootiga Cali Cadde 18 kii May,2006 , kuna sheegtay in hab musuqmaasuq ah loo maamulo xeradaasi lana diiwaangeliyo kaliya dadka ka soo jeeda beesha Ciise ee uu madaxwaynaha dalka Djibouti ka dhashay, iyada oo weliba warbixintaasi lagu sheegay sida uu dhanbaalku soo xigtay inay dadkaasi yihiin kuwo gudaha Djibouti ka barakacay oo qaxootinnimo dan iyo nolol ka dayay.

Sidoo kale waxa uu dhanbaalku soo xigtay booqashadii madaxa UNCHR, António Guterres uu 7dii December 2010 kii ku tegay dalka Djibouti iyo wada xaajood arrimaha Cali Cadde ku saabsan oo dhexmaray madaxwayne Geelle iyo Guterres oo ku soo gabagabooday saddex qodob oo kala ah:

1 – In dadkan loo celiyo dhulkoodii , iyada oo ay reer Lughaya iyo Saylac diiddanyihiin sheegasho kasta oo ku aaddan in qaxooti ka maqanyahay deegaannadooda.

2- In qaxootigani dal saddexaad la dejiyo oo aan Djibouti iyo Awdal toona ahayn, iyada oo shuruuddii qaxootinnamada ay buuxiyeen kaliya 1400 oo qof ka mid ah dadka deggan Cali Cadde.

3- In dib u dejin gudaha ah loo sameeyo oo shacabka Djibouti lagu daro. Haseyeeshee ay labada masuul ugu danbayntii isla garteen inayna Djibouti qaadi karayn qaxootigaasi.

Dhanbaalka ayaa sidoo kale arrin lala yaabo ku tilmaamay in qaxootiga ay jamhuuriyadda Djibouti qaadi kari wayday lagu qasbo Lughaya iyo Saylac. Ugu danbayn, dhanbaalku waxa uu sheegay inay dano siyaasadeed ka danbeeyaan arrintani, waxana uu xusay in ay tahay tallaabo ay beelaha Ciise iyo Isaaq ku doonayaan inay ku dhimaan jiritaanka beesha Gadabuursi ee dhulka leh, islamarkaana ay cod iyo miisaan beesha Ciise ku yeelato deegaannada Awdal doorashooyinka soo socda.

Leadership Empowerment And Development Council