Waa qyabtii 2aad ee maqaalkii aynu ku eegaynay arimaha la xidhiidha

Waa qyabtii 2aad ee maqaalkii aynu ku eegaynay arimaha la xidhiidha 

maqaal

Dekeda berbera ee beryahanba laysla dhex maraayay in cidkale lagu Wareejiyo Macnaha in sharaa-ig shisheeye oo haruumarin ku sameeya lagu wareejiyo
Hadab maqaalkeenii kan ka horeeyay wuxuu inoogu joogay talo gudbintii Xukumada ee ahaa inay dawladau qiimayso muwaadika ama masuulka qayb Libaax ka qaata hawlaha qaranka oo ay sii dhiiri geliso balse aanay cagta Hoosteeda aanay gelin hadab waxaan hore usheegnay in maareeyihii la bedelay Waa eng-Axmed Yuusuf Dirir oo aynu wada qirsanahay inuu waxa wayn ka Qabtay haruumarinta dekeda marka laga hadlaayo dhinaca casriyaynta 
Runtiina waxa uu kaga tegay axmed wax lagu xasuusto 
Hadaba hadaynu si kooban u dul maro maamuladii soo maray dekeda Berbera 20-tankii sanadood ee u dabeeyay waxa ugu badnaa maareeyaha hada Eng-cali xoor xoor oo sida la wada ogyahay isagu xilka aan ka maqnaan marna wakhti
La sheego wayo waxa jiray AHN Saleebaaan faarax oo mudo aad ukooban Hayay Xilka maareeyaha kadibna geeriyooday iyadoo xukumadii xiligasi Xilka ku celisay eng cali xoorxoor oo markii hore laga qaaday waxaan soo raaca Mareeyihii ay xukumadani keentay markii ay doorshada ku guulaysatay waa Axmed Yuusuf Dirir-e oo ah maamulka ugu raadaynta badnaa marka laga hadlaayo xaga wax qabadka dekeda iyo dayactirkeeda hadab waxaan leeyahay dalka way ka buuxaan muwaadiniin aqoon iyo kartiba leh oo xilkasi ee waa inay xukumadu hoos u eegtaa oo ay joojisaa dhololkan ay ku dhololayso shirkadaha shisheeye waayo dani uguma jirto dalka iyo dawlada qudheedaba sidaa waxaan ku soo af meeraya maqaalkeenii taxanaha ahaa 
 
FILO MAQAALO DAMBE OO SI QOTO DHEER AAN UGAGA HADLI DOONO ARIMAHAN IYO KUWA LAMIDA
 
by sacad cali kaahin raamalay sacad plucky