waar kan dhuxul ah ee Madaxweynaha ka hoos xam xam leh miyaanu arkayn in TV yo laga duubayo?!

Waar kan dhuxul ah ee madaxweynaha ka hoos xam xam leh miyaanu arkayn in TV yo laga duubayo?!

MAQAAL
 
qafku markuu shaqadiisa u qaato guul wadayn wuxuu iloobaa wax kasta oo karaamadiisa iyo qofka uu u guul wadaynayo wax u dhimaaya! waxaan arkaayay kan ku magaaban afhayeenka madaxtooyada oo meel kasta oo uu isyidhaah madaxweynuhu laba kelmadood ka jeedi marba qalin daaraya maxadweynaha oo ka hoos xam xamleh oo markuu hal kelmad sheegaba kelmad kale oo aan meeshaba munaasib ku ahayn ku qalin daaraynaya hadalkii madaxweynuhu soo qortay ee soo qorshaystay kaas oo ah wax uu kasoo shaqeeyay oo u diyaara,
 
dhuxul shaqadiisa uu xukuumada u hayaa waa inuu dadka soo gaadhsiiyo hadba wixii dhanbaala ee ka soo baxa xafiiska madaxweynaha hada waxa uu si khaldan u turjuntay oo uu mooday inuu dhegtana wax u saarayo markuu meelahaas caamka ah madaxweynuhu qudbad ka jeedinayo! haduu jecel yahay inuu wax ku darsado qudbada madaxweynaha muu lasoo diyaariyo inta uu madaxweynuhu la shir iman qudbadiisa meelaha fagaarayaasha ah! ,
 
haduu se ku kalsoonayn inaanu madaxweynuhu ku filayn qudbadiisa oo aanu si hufan umada u gaadhsiin karayn muu raadiyo cid kafurata hawsha madaxweynaha! waxaase u malay nayaa tan somalida ah meel kasta oo ay joogto guul wadayn aabaheed goblamay ayaa lagu salidee inuu isleeyahay dhuxul waxaad kasbataa qalbiga maxaweynaha! laakiinse ma oga inuu karaamadiisii iyo tii madaxweynahaba hoos u riday!,
 
ma saylacbaa, ma berberaa ma maydh baa, ma laasqoray baa, ma ceerigaabaa meelkasta oo uu madaxweynuhu isyidhaah laba kelmadood ka dheh inta uu isha dabo oo uu afka u soo dhaweeyo ayuu dhegta maxaweynaha agteeda intuu afka saaro ka xam xam leeyahay bal yaabkan iyo amuurtan kaalaya!,
 
ma aha qudbada madaxweynuhu inay balaadhnaato marwalba laakiin waxa uu nebigeenu NNKH inoo sheegay xadiis ahaa hadal waxa ugu fiican kiisa kooban ee macno weyna ku tusiya! (khayrul kalaami qala wa dala!) hadalka hadaad nuxurkiisa tidhaahdo oo macnahaaga lafahmo uma baahnid inaad maantoodhan siiwado oo marlabaad adigii nuxurka ka qaado! waxay kale oo somalidu tidhaahdaa iyada oo ku tusaysa in hadalku laga rabo in lafahmo iimkiisa hadal nin badiyayna ma wada odhan nin yareeyayna kama wada tegin!,
 
waxaan soo jeedin lahaa nin kan dhuxul halaga qabto madaxweynaha oo weliba haloogu dhaarto waar madaxweynuhu waa isku filan yahaye adigu karaamada haka sii qaadin! waa nin aan shaqadan uu xukuumada u hayo ku helin aqoon iyo karti lagu xushay ee ka faa-idaystay murankii sharciyeed ee dhex maray isaga iyo wasiirkiisii hore ee mujahid boobe Yusuf ducaale kaas oo xukuumadu isaga uga hiilisay mujaahid boobe oo weliba lasii dalacsiiyay hasayeeshee may ahayn in xilkan sidaa u culus ee aanu qaadi Karin loodhiibo!,
 
dadka qaar waxay leeyihiin kalsoonida madaxweynaha waxa uu helay markii uu hayay idaacadii horyaal ee afkii xisbiga kulmiye markuu mucaaridka ahaa ku hadli jirtay,
 
sikastaba ha ahaatee waxa lagudboon inta magaca qaranka iyo ka madaxweynahaba ilaalinaysa in dhuxul ildab loo sheego inuu kadaayo madaxweynha qalin daaraynta iyo afka uu udhuubayo markuu wato qudbadiisa uu soo shaxaystay!.
 
 
Aadan Axmed Nuur