Wadahadalka Somalia Ma Xirsi Baa Ka Madax Ah Mise…By. Abdi Haji Ahmed..

Wadahadalka Somalia Ma Xirsi Baa Ka Madax Ah Mise…By. Abdi Haji Ahmed..

Wasiir Xirsi ayaa shalay qabtay shir ja’raaid oo uu kaga waramaayo shir ay yeesheen guddiga arrintan u xil saaran. Waxa taas ka horreysay xiliyo kala duwan oo uu arrinta ka war bxiyey oo uu u muuqday ninka hawshan u xil saaran hoggaminteeda. Waxa isaga oo uu wehelinayo Wasiirka arrimaha Debedda ee sharci ahaan ah ninka u igman, ayuu Addis kala soo hadalay warbahinta sidoo kale kolkuu la joogay Istanbuul ayaanu ku deyn warbixinti Wasiirka Devedda ee mid ka badan oo ka qoto dheer ayuu dunida mariyey.

xirsi

Waxaan hore uga digay Wasiir biixi inuu iska jiro in hawshiisa lala yeesho oo uu ka digtoonaado inuu abaan u noqdo Wasiir Xirsi oo u muuqda nin aan xad iyo xeer qaban. Maamul wanaagu waxa uu ku yimaada marka nin walba xil cayiman uu leeyahay, sharci iyo xeerna kala hago. Waxa muuqata is dhex yaac iyo wasiir u dhaqmaaya sida boqortooyada.

 

Waxa ayaan darrom ah in durtaba uu Wasiirka ruugcaddaaga ah ee aad aynu ugu hanweynay noqday mid lala yeesha hawshiisa oo walba laga dhigatay nin lagu qorxiyo guddiyo aanu waxba kala socon si rag loo jeedo lagu duro. Waxa Wasiir Biixi lagu magacaabay Guddoomiyaha Guddiga Turxanbxinta Kulmiye, isagoon Marna ka xaadarin ayuu haddana Goáan cid kale gaadhay sexeexay.

 

Mantana waxa lagu qurxiyey Guddiga Diiwaangelinta. Waxa ninka dacadda ah iyo ruuxa masuulka ah lagu karta inaanu aqbalin inuu noqdo ruux magaciisa lagu shaqaysto.

WAxa muuqata inuu ruug caddagi helay wiil gaaban oo xeelad Kurturwaarey iyo kaarto iskoris leh. Waxa cad inuu Xirsi ka dhegtay nin uu ku baneysto dariiqooyin ka xidhnaa iyo mindi uu ku dilo cid uu u waayey tab kale.

 

Wasiir Biixi waan ku jecelnay oo weli waad haysata kalsoonidayada ee ogow in shaki badani nagu bilaabme. Aday kuu taan inaad naga saarto iyo inaanu ku hurgufno.

 

Hddaad adigii aano lahayn Madaxweynaha gacantuu qaban oo indhaha ayuu u furi aad adna isu dhiibtay Xirsi, dee maanta adi iyo Madaxweynahaba aan u ducaynu in Alle idin garansiiyo xilka idin saaran iyo awoodiina wiilka yari idinka maroorsaday.

 

 

Abdi Haji Ahmed

hargeysawi@ymail.com