Waddooyinku Waa Laf-dhabarta Dhaqaalaha Dalka iyo Is-dhexgalka Bulshada.
W/Q: Eng. Hussein Adan Igeh (Hussein Deyr) |Hargeysa, Somaliland|
1. HORDHAC:
Horumarka uu aadamuhu ku tallaabsado maalinba heer buu taagnaa, yoolkuna waxa uu ahaa in mar walba la hiigsado hir kale oo ka sarreeya ka markaa la joogay. Kumanaan sano ka hor, Boqortooyadii Roomanka (Roman Empire) ayaa iyagu ahaa kuwii ugu horreeyey ee hindisay (daah-furay) in aadamuhu adeegsado Waddo laami ah. Horumarinta dhismaha Waddooyinku waxay Boqortooyadii Roomanka u suurto gelisay inay Ciidamadoodii geyn karaan meel kasta, isla markaana ay u dhaq-dhaqaajiyaan si abaabulaan oo ded-deg ah. Sidaa darteed, waxa la odhan karaa xilligaa isaga ah, Waddooyinka ayaa saldhig u ahaa guulihii dhinac walba lahaa ee ay Boqortooyadii Roomanku gaadhay iyo inay isku-ballaadhiyaan dhul baaxad weyn oo ay ka taliyaan Qaaradda Yurub inteeda badan iyo meelo kale oo dunida ahba.
2. Waddooyinka iyo Saamaynta ay ku leeyihiin Nolosha Bulshada:
Waddooyinka Laamiga ahi, ma aha oo keliya inay qayb muhiim ah ka qaataan koboca iyo horumarka dhaqaalaha uu Dal leeyahay, balse waxa kale oo ay fududeeyaan isu-socodka, is-dhex-galka, is-fahanka, wax-is-dhaafsiga iyo is-kaashiga bulshada Dalkaasi ku dhaqan iyo weliba bulshooyinka kale ee ku nool Waddamada deriska ah. Waddooyinku waxay lagama maarmaan u yihiin dhinacyo badan oo saamayn ku leh xagga horumarka uu aadamahu hiigsanayo. Waddooyinku waxay kor u qaadaan oo ay wanaajiyaan tayada nolosha bulshada, waxay kordhiyaan awoodda wax-soo-saarka iyo ganacsiga u dhexeeya bulshada, waxa kordha wax-soo-saarka warshadaha, beeraha, qalabka dhismaha iyo adeegyada kale ee la xidhiidha. Waddooyinku waxa kale oo ay kobciyaan fursadaha shaqo ee uu muwaadinku ka heli karo dalkiisa. Waddooyinku waxay muwaadinka u horseedaan xorriyad iyo madax-bannaani uu u safri karo kuna noolaan karo meel kasta oo uu doono. Waddo xumaantu waxay caqabad weyn ku tahay Ganacsiga xorta ah, wax-soo-saarka iyo isu-socodka bulshada. Laakiin marka ay jiraan Waddooyin fiicani waxa fududaada isu-socodka iyo wax-is-dhaafsiga bulshada, waxana si toos ah ula kordha dakhliga Dalka u soo xerooda.
Waddamada Reer Europe ee ku bahoobay ururka Yurub (EU28) kuwaasoo xagga Warshadaha iyo Arrimaha bulshada hore uga maray, Waddooyinku waxay qayb muhiim ah ka yihiin nolosha Bulshada iyo Dhaqaalaha Waddamadaa u soo xerooda.
Tusaale ahaan:
-
Xagga Dakhliga: Waddooyinka (iyo adeegyada kale ee la xidhiidha) waxay (EU28) u soo xereeyaan dakhli ah (11.5% of GDP) sannadkii.
-
Xagga Shaqada: Waxa ka shaqeeya (25 milyan oo qof; [5%] of EU28 population).
-
Xagga Xammuulka: Alaabta Ganacsiga iyo adeegga kale ee bulshada 77% ayaa adeegsada Waddooyinka.
-
Xagga Rakaabka & Isu-socodka Dadweynaha: 85% ayaa adeegsada Waddooyinka.