Wakiilka Somaliland ee Uk Mr Cali Adaan Cawaale oo Sheegey in aan la Sameyneen Banaan bixi 18/5/14 ee ka Dhici Lahaa Barlamanka Hortiisa

0

Wakiilka Somaliland ee Uk Mr Cali Adaan Cawaale oo Sheegey in aan la Sameyneen Banaan bixi 18/5/14 ee ka Dhici Lahaa Barlamanka Hortiisa.

Waxaa habeenkii xaley ahaa ka dhacey galbeedka magalada London ee bishu ku beegneed 16/3/14 Shir ay soo qaban qabiyeen safirka Somaliland ee uk cali adaan cawaale iyo yurub qaalib.

Xafladan oo lagu qabtey West London Somaliland Community waxaa ka soo  galey dadweyne aad u tiro  badan oo guruub beeleysan  u badan si ay dadka kale ee fikirka  kale ee ka duwan wata u muquuriyaan.

Kulankan oo siyaasadeys-naa oo lagu wiiqayo isku duubnida bulshada Somaliland ayaa xaley ka dhacey West London Somaliland Community oo ay barnamijkaa wateen labada qof ee kala ah safirka Somaliland cali adaan caawale iyo yurub qaalib.

Kulankan oo ay ugu yeedhen sida ay sheegeen in lagu lafa-gurayo oo lagaga arinsanayo sidii loo qaban lahaa xaflada xuska 18/5/14 oo ka qabsoomi doonta insha alah bogortooyada ingiriska ee london .

Waxaa  madasha la keeney barnamij in badan laga soo shaqeynayey oo ay wateen yurub qaalib iyo guruub xagjir ah oo ay ku fogaatey reernimadu ,iyaga oo barnamijka ku sheegaya in laga soo arimiyey oo ay wadato madaxtooyada somaliland ee hormoodka ka yahay xirsi xaaji xasan,madasha la keeney gudi magacyo ah oo dhinac ka raran oo qof waliba markuu arko ka cadhoonayo ama diidayo.

Waxaa madasha ka sheegey gudid beenadka la soo dhisey Mr cali adaan cawaale oo loo soo dhibey mashruucan beenta ah si ay indhaha dadka iskaga duwaan ,oo ay u tusan dadka wax dowladu wadato.

Waxaa madasha laga sheegey in hall kii xaflada 18/5/14 la soo kireyey xafladuna ka dhaceyso bariga London(East London) ,lacagta lagu soo kireyeyna ay diiden intey sheegaan,waxaa kale ay cadeeyeen in lacagta ka soo baxdana meel aan aheen wadad ceerigabo aan lagu bixineen.

Waxaa kale oo ay dadweynihii madasha joogey u sheegeen in banaanbixii ka dhici lahaa No 10 Downt Streed iyo Barlamanka hortiisa aanu surtoobeen sanadkan , iyaga oo u sababeyey oo yidhi 20/may/14 waxaa jirta doorashadii deeganka markaa aan la ogoleen in la hortago barxadaa weyn ee ka soo hor jeeda barlamanka London.

Laakiin dad badan oo joogey meesha oo ka shaqeya Community somalilanderka ayaa u sheegey in arintaasi inaga joojineen banaanbaxa ayna tahay xiliyada doorasha in wax kasta laga dhameysan karo musharaxiinta u taagan doorashada,laakin Mr cali adaan cawaale iyo yurub qaalib waxaay ku adkeysteen in barnamijkaasi suurta gal aheen ee dadku yimadan xaflada habeenimada lacagtana noo keenan si aan wadada ceerigabo ugu dhisno.

Waxaay dadku soo jeediyeen in aan lacag sidii loo urursan lahaa aan lagu mashquulin ee la raadiyo qadiyadii Somaliland ee 23 sanadood soo wadney loo raadin lahaa,barxadaasina ay tahay fursad aad u qaaliya.

Waxaaynu ogeen xafladii 18/5/13 ee London ka dhacdey sidii foosha xumeed ee loo maamuley iyo sidii dadka loo majara habaabiyey iyo lacagtii ka soo baxdey halkey martey,maantana sidii oo kale ayaa socota ,waxaay aheed in barnamijkan abaabulkiisa iyo qorshahiisu loo daba fadhisto dadkii hore ee awalba wadi jirey ee maaha in Mr cali adaan caawale soo fara galiyo,waxaa kale oo dadku habeenkii xaley aheed aad iyo aad ula yaabeen qofkasta oo hadla waxaa u jawaabayey cali adan cawaale isaga oo dadkana iskaga dhigayo in uu u daba fadhiyo gudida wadada ceerigaabo ee yurub qalib iyo isagu soo magacabeen.

Waxaa fashilad aad u weyn xaley ku dhacdey Mr cali adan cawaale oo sheegey in uu bari oo ah waa sida uu hadalka u dhigee 17/3/14 madaxweyuhu gudida qaban qabada xaflada 18/5/14 uu magacaabi doono markaa dadku waxaay is weydiiyeen markaa dadkan uu caawa sheegayo ee madasha fadhiya yaa magacabey ,mida kale shirkan caawa loo fadhiyo muxuu yahay ,maxaa looga hor dhacey magacabista madaxweynaha hadey hadalkiisu run yahay.

Waxaa xaley laga mamnuucey madasha kulanku ka dhacey saxafada madaxa banaan oo dhan in ay sawir iyo video qaatan iyaga oo ka cabsi qaba in ay fashilayaan waxaa meesha ka socda,laakin markii dadku wada dareerey oo ay isku soo hadheen intii guul wadeen jirtey waxaa ka duubayey tv qaranka si dadka loo tuso in xaley shirkii guul ku dhamadey gudidii xaflada maamuleysey la magacabey arinkaasina aanu waxba ka jirin.Isku soo wada duubo waxaa looga fadhiyaa dadweynaha reer Somaliland eek u nool Uk in aan sidaa lagu deyn ixtiraf radinta Somaliland ee iyagu is abaabulaan oo ay iskugu yimadan barxada weyn ee barlamanka hortiisa ,wakhti badan ayeeynu haysanaa in la soo qaado warqadii ogolansha ee yaan loo daba fadhisan dad dangaar ah wata.18/5/14 waa maalin qiima weyn inoogu fadhida ee yaan laga dhigin maalin lacag lagu raadsado.

Ururada somalilanderka waxaan ka codsanayaa in ay arintaasi ka howl galaan sidii u dadka loogu soo qaadi lahaa wargada ogolanshaha si ay maalinta dareenkooda ugu muujiyaan barxada ay iskugu imanayaan dadweynaha wadankan dalxiska ku imanaya oo arkaya calanka quruxda badan iyo farxada dadka reer Somaliland.

Wariye

Abdizamed Mohamed (Dhunkaal)

mxulanaye@hotmail.com