War Deg Deg Ah Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM oo goordhaw AL-Shabaab kala wareegay Degmada Qoryooley

1926659_684558494916452_2075400137_n_964294028

Ciidamada Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa saaka si buuxda waxa ay ula wareegeen Degmada Qoryooley ee Goblka Sh/Hoose ,kadib Dagaal Culus oo halkaasi ku dhaxmaray Al-Shabaab iyo Ciidaada Huwanta.

Gudoomiyaha Gobolka Sh/Hoose Cabduqaadir Siidii ayaa goordhaw Warbaahinta u xaqiijiyay in Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM si buuxda ula wareegeen Degmada Qoryooley halkaasna uu sheegay in ay ka eryeen kooxihii nabad diidka.

Mr Siidii ayaa tilmaamay in Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM afar jiho ka galeen Degmada Qoryooley hadana ay ku jiraan gudaha Degmadaasi , Gudoomiyaha ayaa intaa raaciyay in Ciidamada Huwanta ay howlgalo lagu xaqiijinayo amaanka iyo baaritanao lagu raadinayo xubno Shabaab katirsan kawadaan Degmada Qoryooley.

Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM ayaa saakay u dhaqaaqay Dhinaca Degmada Qoryooley halkaas oo la sheegay saakay aroor hore Al-Shabaab ka baxeen kadib markii ay ka warheleen guluf colaadeed oo kaga soo wajahn dhinaca Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in kahor intii ay Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM qabsan Qoryooley in halkaasi uu ka dhacay Dagaal Culus oo labada dhinac dhaxmaray .

Salaanmedia/Moqdisho