War Deg Deg Ah Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM oo goordhaw Deegaano hor leh kala wareegay Al-Shabaab

images

Wararka aan ka heleyno Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo Is garabsanaya in goordhaw ay la wareegeen Deegaano dhoor ah oo horey gacanta ugu jiray Ururka Al-Shabaab.

Ciidamada Huwanta ah ayaa xalay kasoo dhaqaaqay Fariisimo Ciidamadaasi ku lahaayeen Magaalada Baladweyn, waxa ayna Ciidamada ay abaareen dhoor jiho oo aada Degmooyin iyo Deegaano ay Al-Shabaab gacanta ku hayaan.

War hada nasoo gaadhay ayaa sheegaya in Ciidamada AMISOM oo ka kooban kuwa Jabuuti iyo Itoobiya oo gacan ka helaya Ciidamada Dowlada ay la wareegeen dhoor deegaan oo hoos taga Magaalaa Baladweyn halkaas ay horey gacanta ugu hayeen AL-Shabaab.

Deegaanada Ciidamada Huwanta ah la wareegeen waxaa kamid ah Deegaanka Baar Dheere, Ceel Cali ,Nuur Fanax iyo Buq Aqable ,deegaanadan oo la sheegay in dhamaantood ay horey u heesteen Al-Shabaab maantana isaga baxeen lagana qabsaday.

Ma jiro wax dagaalo ah oo lasoo sheegayo in ay ka dhaceen Deegaanada ay la wareegeen Ciidamada Dowada iyo kuwa AMISOM , Ciidaada Huwanta ayaana lagu soo waramayaa in ay u dhaqaaqeen Deegaano iyo Degmooyin Wali Al-shabaab ka maamulaan Gobolka Hiiraan.

Isgaarsiinta Magaalada Baladweyn iyo Deegaano kale oo kuyaala Gobolka Hiiraan ayaa manta saacado kooban hawada laga saaray , mana jiro wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Dowlada iyo kuwa AMISOM ee howlgalka hogaaminaya , sidoo kale ma jiro wax war ah oo amuurahan ku aadan oo kazoo baxay Xarakada Al-Shabaab.

Salaanmedia/Moqdisho