War Deg Deg ah: Laba Gaadhi oo Ka Mid ah Weftigii Madaxweynaha Somaliland oo Isku Dhacay + Wasiir Ku Dhaawacmay + Caaqil Ku Geeriyoday ….

NEWS

 (Jumada Al-Awwal 19, 1435 – March 20, 2014) Berbera: War degdeg ah: Wasiirada Caafimaadka iyo Warfaafinta oo ka mid ahaa waftiga Madaxweynaha oo ka soo ambabaxay Burco  ayaa gaadiidkii ay wateen isku dhaceen markii ay marayeen tuuladda Laalays. Warar uu aanu ka helnay xafiiska afhayeenka Madaxtooyada Somaliland ayaa sheegay in wasiirka Warfaafinta Somaliland C/laahi Cakuse uu garabka midig ka jabay, halka wasiirka caafimaadku Xagla-tooysiye aanu wax dhaawac ahi soo gaadhin.

Gaadhiga Wasiirka Warfaafinta waxa la socday Afhayeenka Madaxtooyada Dhuxul, xildhibaan Axmed Yaasiin Ayaanle, Mustafe Shiine iyo Wadihii Gaadhiga, kuwaas oo dhammaantooda caafimaad qaba. Dhinaca gaadhiga Wasiirka Caafimaadka waxa la socday isaga iyo labadiisa gaadh iyo dirawalkiisa, iyaguna dhammaantood way caafimaad qabaan. Madaxweynaha Somaliland ayaa dhaawaca wasiirka ku booqday Cusbitaalka Berbera.Dhaawaca wasiirka warfaafinta waxa hadda lagu dabiibayaa cusbitaalka guud ee Berbera. Dhinaca kale, Caaqil Cabdi Maxamed Hadoodil ayaa ku geeriyooday shil-gaadhi oo ka dhacay Huduse, maydkiisana waxa loo qaaday magaalada Burco. 

 Salaanmedia/Berbera