WAR DEG DEG: Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Amisom oo caawa dagaal culus kula wareegay Deegaanka Buur Eyle

NEWSSS

 

Wararka laga helaayo Gobolka Baay, ayaa waxay sheegayaan in caawa uu dagaal culus ka dhacay Deegaanka Buur Eyle, laguna guuleystay in dagaal looga saaro Ururka Al Shabaab, oo ka arriminaayay.

Deegaanka Buur Eyle oo qiyaastii 50km u jira Degmada Buur Hakaba ee Gobolka Baay, ayaa waxaa muddooyinkaan dambe ka arriminaayay Ururka Al Shabaab, oo si weyn kaga soo horjeeda Dowladda.

Ciidamada Dowladda iyo Amisom ee weeraray Deegaanka Buur Eyle, ayaa waxay iska soo baheysteen Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay, iyadoo weerarka ay ku qaadeen Deegaanka Buur Eyle uu ahaa, mid lama filaan ah.

Labada Ciidan, ayaa iska caabin xoogan kala kulmay Xoogagii Shabaab ee heystay Buur Eyle, ka gadaal markii la sheegay in ay ka dul dhaceen, iyagoo ku sugnaa xaalad caadi ah, hubkooduna heystay.

Nin ka tirsan dadka Deegaanka, ayaa sheegay in labada dhinac ay si weyn isugu fara saareen Deegaanka Buur Eyle, inkastoo markii dambe Shabaabka lagu khasbay in ay ka baxaan Deegaankaasi.

Ciidamada Dowladda iyo Amisom, ayaa waxay xilligaan isku ballaarinayaan Deegaanka caawa soo galay gacanta Dowladda Federalka ee Soomaaliya.

Weerarka lagula wareegay Deegaanka Buur Eyle, ayaa noqonaaya noociisii ugu horeeyay, oo xilli habeen ah lagu qabsado mid ka mid ah goobaha, ay gacanta ku heyso Al Shabaab, tan iyo markii ay bilowdeen hawlgaladaan 5-dii bishaan.

Salaanmedia/Mogdisho