WAR DEG DEG: Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Amisom oo la wareegay Magaalada Ceelbuur

image

Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo garab ka helaaya Ciidamada Midowga Afrika ee Amisom, ayaa waxay goor dhow la wareegeen gacan ku haynta Magaalada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud.

Ciidamada Dowladda iyo Amisom, ayaa si buuxdo ula wareegay gacan ku haynta Magaalada Ceelbuur, ka gadaal markii ay gudaha u galeen Magaaladaasi.

Afhayeenka Ciidanka Midowga Afrika ee Amisom Korneyl Cali Aadan Xumad, ayaa wuxuu xaqiijiyay in labada Ciidan ay si dhameystiran ula wareegeen gacan ku haynta Magaalada Ceelbuur.

Afhayeenka oo wareysi siiyay laanta afka Somaliga ee VOA, ayaa wuxuu sheegay in Shabaabku ay isaga baxeen Magaalada Ceelbuur, sidaana ay kula wareegeen.

Dhanka kale labada Ciidan, ayaa waxa uu maanta dagaal uu ku qabsaday Deegaanka Washaaqo oo 3km u jirta Magaalada Ceelbuur, inkastoo ay soo jiireen dagaal-yahanada Shabaabka.

Labada Ciidan, ayaa waxaa lagu wadaa in daqiiqadaha soo socda ay hawlgalo ka sameeyaan Magaalada Ceelbuur, si ay ugu xaqiijiyaan ammaanka Magaaladaasi.

Magaalada Ceelbuur waxaa ku harsan dad aad u tiro kooban, kuwaa oo qaarkood ilaalo ka haaya goobahooda ganacsi, iyadoo in kalana la sheegay in ay guryo ilaalin ugu harayn Ceelbuur.

Salaanmedia/Mogdisho