War Deg-Dega…Ciidamada Dowlada iyo kuwa Itoobiya oo goordhaw Dagaal Culus kula wareegay Degmada Buurdhuubo ee Soomaaliya.

untitled

Wararka aan ka heleyno Degmada Buurdhuubo ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in goordhaweyd  Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya ay degmadaasi la wareegeen kadib dagaal culus oo halkaasi ka dhacay.

Ciidamada Huwanta ah ayaa dagaal culus waxa ay Al-Shabaab kula galeen Duleedka Degmada Buurdhuubo , iyagoona ugu dambeyn goordhaw eyd gudaha u galeen Ciidamada Huwanta ah Degmadaasi oo gacanta AL-Shabaab maanta ka baxeen.

Wararkii ugu dambeeyay aan ka helnay Degmada Buurdhuubo ayaa sheegaya in Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM ay isku fidinayaan Degmadaasi, halkaasna ay bilaabeen baardhitaano ay ku raadinayaan Dagaalyahano katirsan Al-Shabaab oo loo maleenayo in halkaasi ku hadheen.

Rasaas goos goos ah ayaa wali laga maqlayaa Gudaha Degmada Buurdhuubo ee Gobolka Gedo ,waxaana la ogeyn halkii ay tageen Dagaalyahandii Al-Shabaab ee hore gacanta ugu hayay degmadaasi.

Wali lama oga khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee kala gaadhay Ciidamada ku dagaalamay duleedka iyo gudaha Degmada Buurdhoobo , waxaan sidoo kale laheyn khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee gaadhay dadka rayidka.

Ciidamada Dowlada Soomaaliya oo gacan milatari ka helayay Ciidamada Itoobiya ee dhawaan ku biiray Howlgalka AMISOM ayaa sadaxdii maalin ee lasoo dhaafay waxa ay Al-Shabaab kala wareegeen ilaa Sadax Degmo oo kuyaala Gobolada Bakool iyo Gedo.

Salaanmedia/Mogdisho