War Murtiyeed ay soo saartay Igad oo nuqul ka mid ah looga hadlay arrimaha Somaliya (Daawo Sawirada)

Wadamada ku bahoobay Dallada Urur Goboleedka Igad, ayaa waxay maanta kulan ku yeesheen Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, iyadoo fadhigaan uu noqonaayo noociisii 25-aad.

Kulankaan oo ay lahaayeen Madaxda Wadamada Igad, ayaa waxaa Somaliya kaga qaybgalay Ra’iisal Wasaaraha Somaliya Dr. C/weli Sheekh Axmed, bacdamaa uu Madaxweynaha Somaliya safar ugu maqan yahay dalka Japan.

Gaba gabadii kulankaan, ayaa waxaa laga soo saaray War Murtiyeed, iyadoo nuqulo ka mid ah looga hadlay arrimaha Somaliya, waxaana loogu muujiyay taageero.

Qodobada looga hadlay warmurtiyeedka IGAD ee Soomaaliya:

Qodobkiisa 20 aad waxaa lagu bogaadiyay horumaradda laga gaaray howlgaladda lagula dagaalamayo Nabad-diidka Al shabaab; Waxaa si kulul loogu cambaareeyay dilka ay kooxda Al Shabaab iyo Maleeshiyaadka kale ay u gaystaan dadka rayidka ah; waxaana loogu baaqay dalalka ka caawinaya Soomaaliya xasiloonida in ay si habaysan ay u fuliyaan howlgaladooda:

Qodobka 21 aad Ayaa lagu looga codsaday Urur Goboleedka IGAD, dawladaha daneeya Arimaha Soomaaliya iyo beesha caalamku in ay ka caawiyaan Soomaaliya dadaalada lagu dhisayo maamuladda goobaha la xoreeyay.

Qodobka 22 aad ayaa loogu baaqay Urur Goboleedka IGAD iyo beesha caalamka in ay taageeraan dadaalada xoogan ee lagu dhisayo, laguna xoojinayo ciidan Soomaaliyeed oo xirfad leh iyo in gargaar bani’aadanimo la gaarsiiyo dadka ku dhaqan goobaha laga xoreeyay Al Shabaab.






War Saxaafadeed laga soo saaray Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, ayaa wuxuu si diiran ugu soo dhaweeyay taageerada ay Xukuumadiisu u muujisay Igad.

“Urur Goboleedka IGAD waxaa uu kaalin muuqata ka ciyaaray wadaxaajoodka iyo talaabooyinka lagu doonayo in lagusoo afjaro colaada ka taagan gobolka, gaar ahaana xasiloonida Soomaaliya iyo ka hortagga colaadda Koonfurta Suudaan.” ayuu yiri Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed.

“Soomaaliya waxaa ay khibrad u leedahay dhibaatooyinka ay gaajada iyo macluushu ku leedahay dal iyo dadkiisa haddii aan si deg deg ah looga hortagin. Waxaan ku baaqayaa in si habsimi ah looga jawaabo dhibaatadaasi cunna-yarida ah, haddii aan laga la isku xilqaaminna waxaa ay isu badalaysaa musiibo bani’aadannimo. Dhamaan dhinacyaddu waa in ay aqbalaan in si nabadgalyo ah loo gaarsiiyo gargaarka bani’aadanimo dadka dhibaataysan.” ayuu sii raaciyay.