War-Saxaafadeed Xisbiga Ucid Ka Soo Saaray Safarka Madaxweyne Siilanyo Iyo Dayacnaanta Hawlihii Qaranka

War-Saxaafadeed Xisbiga Ucid Ka Soo Saaray Safarka Madaxweyne Siilanyo Iyo Dayacnaanta Hawlihii Qaranka

last nedMars 16,2014 Hargeysa(SM)- War-Saxaafadeed Xisbiga Ucid Ka Soo Saaray Safarka Madaxweyne Siilanyo Iyo Dayacnaanta Hawlihii Qaranka

Xisbiga Cadaaladda Iyo Daryeelka UCID
Justice and Welfare Party

Ref/UCID/2057/2014 Date 16/03/2014
WAR SAXAAFADEED

Ujeeddo: Dabaasha Xukuumada Iyo Dayacnaanta Hawlihii Qaranka

Sida lagu baahiyey warbaahinta, Waxa raxan dhan oo golaha wasiirada, Wasiir ku xigeenno, xubno baarlamaanka ka tirsan iyo Hawl wadeenno sar sare oo ka tirsan xukuumadda talada haysaa isugu tageen Berbera, si ay u guddoomaan wax ay ugu yeedheen Deeq oo ahayd Doon yar oo cabbirkeedu ka yar yahay 3 mitir oo ay bixisay Dowladda Denmark oo loogu deeqay ardayda wax ka barata Akadamiga Badda ee Berbera. Wafdiga Deeqdan Guddoomay waxa ka mid ahaa Wasiirada Arrimaha Dibadda, Gaashaandhigga, Arrimaha Gudaha, Madaxtooyada, Warfaafinta, Caafimaadka, Dibudejinta, Kallomaysiga iyo Kheyraada Badda iyo Raxan ka tirsan Madaxda sare ee Qaranka,

Golaha Wasiirada ee xafladda intaa le;eg ka qayb galay dhammaantood may ahayn kuwii loo igmaday hawl noocan oo kale ah, marka loo eego Mandhaydka ay haystaan, Qarada xajmiga kaalmada ay ku mashquuleen iyo waqtiga ay ku lumiyeen , iyagoo soo dayacay hawlihii wasaaradihii ay ku suntanaayeen.

Xisbiga Cadaalada Iyo Daryeelka UCID, wuxuu qabaa in ay dowladdu dib uga fiirsadaan siyaasadda Qaranka ee ku Aaddan Guddoomista nooca deeqaha, milgaha dowladnimo ee nooca kaalmada, habka bixinta deeqaha samofalka ee sooGaadhaya Somaliland.

Xisbiga UCID wuu soo dhoweynayaa cid kasta oo ka qayb qaadanaysa dibu-dhiska iyo horumarinta Somaliland oo aan weli ka helin Ictiraaf buuxa beesha caalamka. Xisbigu waxa uu qabaa, in kaalmooyinka deeq bixiyeyaashu ay ku salaysnaadaan baahiyo dhab ah oo ka baxsan awoodda dadka iyo xukuumaddeena oo innaga timaadda.

Xisbiga CID ,wuxuu ka soo horjeeda in Madaxda Dalka ugu sarreysaa ay ku lumiyaan Mas’uuliyaddoda wax kabaxsan wixii qarankani uga fadhiyey, iyo inay waqtigooda iyo hantida ummadda ku lumiyaan socdaallo, xaflado, shirar iwm ee aan macno wax ku ool ah samaynayn. Waxaana tusaale cad u ah xafladda Doonta yare ee ay ku dul habsaammeen tiro intaa le’eg oo wasiirro iyo madax muhiih ahba leh,

kharashka deeqdaasna ay ka badan tahayba Pity cash-ka Wasiirada,Arimaha Gudaha, madaxtooyada, Warfaafinta, Gaashaandhigga,Caafimaadka Iyo Kuwa Kaleba,Hawshaasna Waxaa Ku Filnaa Oo Kaliya Gudoomiyaha Gobolka Saaxil

Sidaa Wageed Xisbiga UCID, wuxuu hoga – tusaalaynayaa Shacbiga Somaliland inay la xisaabtamaan Madaxda Xisbiga Kulmiye , ee sida meeqaanka liita u isticmaalaya Milgihii qarankani ku muujin lahaa inay jirto Dowlad leh qaab dhismeed waafaqsan habka Maamulka Suuban (Governance and structure)

Xisbiga UCID, Wuxuu ugu baaqayaa Madaxweynaha JSL inuu kala hago lana xisaabtamo Golihiisa Xukuumadda,isla markaana ka war qabo waxa ay ku mashquulsan yihiin inuu micno u samaynaayo Ummaddii Isaga iyo Ku xigeenkiisa Doortayba, xilkana ka qaado kuwa aan u qalmin ee luminaaya adeeggii ummadda.
12

Allaa mahad leh

XOGHAYAH WARFAAFINTA EE XISBIGA UCID

YUUSUF KAYSE ALL/AHI