War-saxaafadeed…..Xog-hayihii Hore Ee Arrimaha Gudaha Xisbiga UCID Oo Sheegay In Gabi-ahaanba Shuruucda Dalka Meel-na Kaga Oolin Madasha Wada-tashigu

Xog-hayihii Hore Ee Arrimaha Gudaha Xisbiga UCID Oo Sheegay In Gabi-ahaanba Shuruucda Dalka Meel-na Kaga Oolin Madasha Wada-tashigu

da

March 25, 2014 Hargeysa(SM) – Xog-hayihii hore ee arrimaha gudaha iyo xidhiidhka Goballada dalka ee xisbiga mucaaradka ah ee UCID Cabdi Maxamed Saleebaan (Mingiste), ayaa shaaca ka qaaday in safarka Madaxweyne Siilaanyo ku tagay Goballada bariga uu kor u qaaday dareenka shacabka reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan, kaas oo tilmaamay dhaawaca siyaasadeed ee uu ku keenay Siyaasiyiinta la baxay madasha wada-tashiga iyo toosinta qaranka. Isla markaana waxa uu xusay in mucaaradka uu jiidhay safarkii Madaxweynaha Somaliland, kuna hambaleeyay madaxweynaha deegaamada bariga ee uu gaadhay.

Sidaasna waxa uu ku sheegay war-saxaafadeed uu xalay soo saaray Migiste oo nuqul ka mid ah uu soo gaadhay Shabakada Wararka ee Cadceed News ee magaalada Hargeysa, waxaanu u dhignaa sidan :-

“Ugu horreyn waxaan jecelahay innaan halkan hambalyo iyo bogaadin ugu diro Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), iyo waftigii balaadhnaa ee uu hoggaaminayey iyo guud ahaan Xukuumada,anigoo uga hambalyeynaya Safarkii dheeraa, taariikhiga ahaa ee ay ku soo mareen inta badan Gobollada Somaliland. Waxaana xaqiiqo ah in Madaxweynaha iyo waftigiisu gaadheen dhul iyo shacab aan weligood horre Madaxweyne u booqan. Waxa xaqiiqo ah in safarka Madaxweynuhu uu kor u qaaday dareenka shacabka reer Somaliland , kana nexeen cadowga Somaliland meel kasta oo ay joogaanba.Waa hubaal inuu ahaa Safar dheer oo adag marka la eego wadooyinka iyo Cimilaada la marayey. Intii wax ku noqotayna waxaan Illahay uga baryeynaa naxariis iyo caafimaad dheer siiyo ,”Sidaas ayuu ku yidhi War-saxaafeedka uu soo saaray xog-hayihii hore ee arrimaha gudaha xisbiga UCID Mingiste.

Waxa kale oo xog-haya xisbiga UCID uu sheegay inuu sicad uga marqaati ka caayo waxyaabaha muddada kooban ee xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo hoggaamiyo ay dalka ka qabatay, isagoo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi, “Hambalyada ka dib waxaa jecelahay innaan halka si kooban uga hadlo dhowr arrimood oo kala ah waxqaabadka xukuumadda.

Waxaan si cad uga markhaati kacayaa in Xukuumada talada dalka haysaa ay mudo kooban dalka ka qabatay ( wax qaabad la taaban karo)’ cidkasta oo muwaadin ahi ay indhahooda ku arki karaan. Runtii ma aha wax qaabad la qarin-karro,lana dafiri karo, sida wadooyinka, dhismayaasha dowlada iyo guud ahaan adeega bulshada.

Sidoo kale Migiste ayaa mucaaradka ku eedeeyay inuu yahay mid liddi ku ah qarannimada Somaliland, kaas oo tilmaamay inay indhaha ka qarsadeen xaqiiqooyinka horumarka ee dalka laga sameeyay, isagoo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi, “Waxa xaqiiqo ah in maanta Mucaaradka Somaliland ka jiraa uu yahay mid Mucaarid ku ah qaranimada Somaliland. Waa Mucaarid ay is-kaga khaldan tahay,Qarannimada Somaliland iyo danta gaar ah ee ay leeyihiin.Waxaa muhiim ah in Shacabka reer Somaliland gudaha iyo dibadaba aanay dhegaysan erayada xanafta leh ee maalin kasta ka soo baxaya Xafiisyada Mucaaridka Somaliland. Waxaa hubaal ah in Xisbiyada Macaaridka Somaliland ay jiidhay Wadada Ceerigaabo.”

Geesta kale Migiste oo ka mid ah Siyaasiyiinta Somaliland ee inta badan ka faalooda is badelada siyaasadaha dalka ee waqtigaas taagan ayaa sheegay in kooxda la baxday madasha wada-tashiga iyo toosinta uu aamisan yahay in sharuucda dalka meelna kaga jirin, taasoo uu tilmaamay in wixii sharcuucda dalka meelna ka soo galin ay tahay sharci-daro inay ku hadlaan af-shacabka ee reer Somaliland, waxaanu yidhi, “ Kooxda la baxday Madasha wada-tashiga. Waxaa qaabaa in kooxda la baxday Madasha wada-tashiga aanay meelna kaga jirin Shuruucda lagu hago qaranka Somaliland,wixii aan ku jirin Shuruucda qaranka Somaliland –na waa Sharci daro, mana aha in waqti badan iyo juhdi badan la geliyo. Waxa xaqiiqo ah ( in Safarkii Madaxweynaha Somaliland uu dhowaan ku maray inta badan Gobolada Somaliland), uu meesha ka saarayo hadaladii ay kooxda Madasha wada-tashigu ay saxaafada ku soo qori jireen iyo inay ku hadlaan shacabka af-kooda.”

Waxa kale oo Migiste Quraba-jooga ugu baaqay inay meelksata oo ay joogaan ka qayb-qqataan horumarka dalka ka socda ee dhinacyada waxaanu yidhi “ Qurba-jooga reer Somaliland. Waxaan ugu baaqayaa Qurba jooga reer Somaliland meelkasta oo ay Dunida ka joogaan ,in ay ka qayb qaataan horumarka iyo dib u dhiska kala duwan ee ka socda dalka Somaliland,meelna ugu soo wada jeestaan cid kasta oo ka soo horjeeda qarannimada iyo midnimada Shacabka Somaliland.

Salaanmedia/Hargaysa