War Saxaafadeed:Shirkada Pontus Marine Oo Shaacisey Inay Bixinayso Shahaadooyinkii Lahaanshaha Saamiyada (Share Certificates)

War saxaafadeed

Pontus Marine Ltd

Sida aad ka warqabtaan waxay shirkadda Pontus Marine ltd ku jirtay hawl baaxad wayn.

Waxaa xusid mudan in qorshihii marxaladii labaad ay soo gaba gaboobayso 31/3/2014. Waa fursad u baahan inaanay ku dhaafin.

Ahmed-Abokor-Managing-Director-of-Pontus-Marinepontus

Nuxurka warsaxaafadeedkani waa in loo sheego mulkiilayaasha shirkaddan oo ah dadkii maalgashaday in bixinta  shahaadooyinkoodii  ahaa lahaanshaha saamiyada (share certificates) ay ku jirto gabagabo. Qorshuhu waa in la bilaabo bixinta shahaadooyinkaas  1/4/2014 insha Allah.

Bixinta shahaadooyinku waxay u soo kala horaynay oo loo bixinayaa  siidii ay u soo kala horeeyeen dadka maalgashaday shirkadda, iyadoo sidaa lagu wadi doono ilaa qof wal oo saami gashaday uu hello shahaadadadiisii (Insha Allah) taas oo ka soo baxaysa xafiiska guud ee shirkadu ku leedahay wadanka Boqortooyada Ingiriiska.

Waxaanu fursadan uga faa’iidaysanaynaa inaanu xasuusino bahawaynta Soomaaliyeed meel kasta oo ay addunyadda ka joogaan inay soo maalgashadaan shirkaddan Pontus Marine oo ay fiiro gaar ah siyaan waqtiga gaaban ee ka hadhay inta maalgashiga saamiyadu sii furnaan doono.

Sidoo kale waxa lagu war gelinayaa bulshada inay hada ay ka helikaraan bogga shirkadu ku leedahay internetka www.pontusmarine.com,macluumaad afka soomaliga ku qoran,kaas oo xambaarsan dhamaan waxyaabaha aad uga baahan tahay xogta shirkadda.

 

Allah Mahad Dhamaanteed leh

Ahmed Abokor A Mohmoud

Maareeyaha shirkada Pontus Marine        05/03/2014