WAR WEYN: XISBIGA WADDANI OO MAGACAABAY GUDDI MIISAAN LEH.

waddani/ ciroXisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI Oo Magacaabay Guddida Khayraadka Dabiiciga Ah Iyo Tamarta

Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI ayaa magacaabay Guddiga Khayraadka Dabiiciga ah Iyo Tamarta oo ka kooban shan xubnood oo aqoon sare u leh hawlaha khayraadka dabiiciga ah iyo tamarta.

Warsaxaafadeed kasoo baxay xarunta Xisbiga Mucaaridka ah Ee WADDANI oo uu ku saxeexan yahay Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa lagu sheegay in markuu arkay baahida loo qabo guddiga khayraadka dabiiciga ah iyo tamarta uu magacaabay shan xubnood oo aqoon sare u leh.

Warsaxaafadeedkaasi oo dhamaystirani wuxu u dhignaa sidan:-

Ujeeddo: Guddi Magacaabis

 

Markan darsay: Qodobka 29aad ee Xeerka Xisbiga WADDANI.

Markan Darsay: Xeerka Xisbiga WADDANI iyo barnaamijkaba.                                              

Markan Arkay: Baaahida loo qabo in la sameeyo Guddiga Khayraadka Dabiiciga ah Iyo Tamarta.

Markan ku Qancay: Waayo aragnimada iyo aqoonta ay leeyihiin Xubnaha Hoos ku qoran  

                                                    

Wuxuu go’aamiyay in loo magacaabo Guddiga Khayraadka Dabiiciga iyo Tamarta Xubnaha hoos ku Qoran.

 

  1. Eng. Rakeem Hatinoor

  2. Eng. Mukhtar Omar Nur

  3. Eng. Abdirashid Abdilahi Hersi

  4. Eng. Osman Aw Aadan

  5. Md. Abdulqaadir Askar Hasan

 

Waxaan ilaahay ka baryeynaa in ay ku biirin doonaan Xisbiga WADDANI fikirado wax ku ool ah, waayo aragnimadimadooda, khibradooda iyo Aqoontiisa”.

 

Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) 

            Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI