War-Weyn:Dawlada Is-Maamul Goboleedka Somalida Itoobiya Oo Ka Dalbatay Xukumada Siilanyo In Degdeg Loo Sii Daayo Dr.Macow Si Uu Yimaado Jigjiga

Dawlada Is-maamul goboleedka Somalida Itoobiya oo ka dalbatay Xukumada Siilanyo in degdeg loo sii daayo Dr.Macow si uu yimaado Jigjiga

macaw

Jigjiga-(SM)-Warar isa soo taraaya oo Warfidiyeenka Qarannews ka soo xigtay Masuuliyiin Sarsare oo ka tirsan Dawlada Kililka Somalida Itoobiya ayaa tibaaxaya in Dawlada Is-maamul goboleedka Somalida Itoobiya ka dalbatay Xukumada Somaliland in la sii daayo Dr.Macow Aweys oo dorraad Khamiistii xukumada Siilanyo xabsiga u taxaabtay isagoo  Hawlo baadhis caafimaad oo uu u sameynaayey dad Bukaan-socoda ka waday Rug caafimaad oo gaar loo leeyahay oo ku Taala Hargeysa.

Tibaaxaha Qarannews heshay waxay intaas ku darayaan in marka la sii daayo Dr.Macow uu hawlihiisa caafimaad ka bilaabi dono maglaada Jigjiga,Caasimada Kililka Somalida,isla-markaasna lagu wargelin doono dadkii ama Bukaan-socodkii Tigidhadiisa goostay inay Wajaale yimaadaan halkaas oo Basas ama Gaadiid bilaasha oo geeya ilaa Jigjiga laga daadgurayn doono,lana siin doono fiiso caafimaad oo bilaasha ilaa iyo intay hawlahooda caafimaad dhamaysanayaan.Dr.Macow ayaa la sheegay inuu hawlihiisa baadhista caafimaadka halkaas ka sii wadi doono.

Salaanmedia/Hargaysa