Warbixin Kasoo Baxday Xafiiska Ururka Qareenada Somaliland “SOLNA” Ee Gobolka Sanaag

Warbixin Kasoo Baxday Xafiiska Ururka Qareenada Somaliland “SOLNA” Ee
Gobolka Sanaag

Ceergaabo (SM) Warbixintan oo kasoo baxday xafiiska Gudoomiyaha Ururka
Qareenada Somaliland Ee Gobolka Sanaag ayaa Ururka Solna Ee heer gobol
waxay si qoto dheer ugaga hadleen heer cadaalada, Maxaabiista,
Garsoorka iyo Adeega kaalmada Sharci ee dan yarta iyo dadka aan iyagu
doodi karin  ee ku dhaqan gobolka sanaag gobolka sanaag ay u fidiyaan.
Anigoo kuhadlaya afkayga afka xafiiska ururka qareenada ee gobolka
sanaag  ahaan qaybta kaalmada sharci iyo afka bulshada danyarta ah ee
ubaahan in ay helaan fursad cadaaladeed.
waxan halkan kusoo gudbinayaa warbixin kusaabsan waxqabadkayagii
xafiis ahaan madaama ay Maanta tahay 17/3/2014 lagana joogo mudo sanad
ah xiligii aanu Warbaahinta adiin soo marinay Warbixintii ka
turjumaysay bulshada danyar ta ah ee aanu siino kaalmada sharci taas
oo ku taariikhaysnayd isla 17/3/2013 Warbixintaasi oo aanu adiin kusoo
bandhignay maalintaas 623 dacwadood oo aanu siinay kaalmo sharci
sadexdii sano ee lasoo dhaafay kana horeerey maalintii aanu
warbixintayadii hore soo saaray
hadaba anigoo tixraacaaya warbixintayadii kutaariikhaysnayd 17/3/2013
waxan halkan kuiftiiminayaa waxyaabaha xafiis ahaan noo qabsoomay wana
sidan mudadaas sanadka ah waxaanu maxkamadaha derejoojinka iaad iyo 2
aad kameteley 194 dacwadood kuwaas oo dhamaantood go’aamo kala duwan
laga gaadhey waxana maanta garsuge ah 41 maxbuus oo dhamaantood aanu
siinay kaalmo sharci kuna jira xabsiga dhexe ee ceerigaabo 7
raf-canlayaal ah kuwaas oo kabaxsan 194 aan hore usoo sheegay waana
bishii uu ugu badnaa rumaanku intii sanadkan ayaan odhan karaa
hadaba iyadoo ay garsuge yihiin 41 maxbuus hada majiraan wax mudada
rumaankoodu dhaafay xiligii sharcigu uqoondeeyey markalaga reebo
halkiis oo dhiig ah oo ay u xidhan yihiin mudo sanad wax dhiman ah 6
maxbuus kaas oo ah mid duruufihiisu aad uqalafsanyihiin.ayna suura
geli weydey in uu si dhaqso ah dhegeysigiisu ubilaabmo kulamona aanu
kalayeelanay garsoorka iyo xafiiska xeer ilaalintaba taasina waxay
muujinaysaa sida wax weyni isaga bedeleen garsoorka iyo ha adaha
sharciga ee ay wada shaqeeyaan garsoorka
hadii aan inyar ka iftiimiyo xaga dhaqan gelinta sharciga iyo bulshada
nugulka ah sida ay uhelaan nidaam garsoor oo ay gaadhi karaan marka
loo eego xiliyadii here anigoo kaqiyaas qaadanaaya 194 dacawadood oo
siyaabo kala duwan udhacay aanuna marti uga noqonay garsoorida xubno
garsoor oo kala duwan waxan odhan karaa waxa badan ayaa isbedelay oo
xaga horumarka ah marka aan sidaas leeyahay ma aha in dhamaan
dacwadahaas aanu kuwada gar helay ama ay udheceen si naraali gelisey
balse waxan taas bar bar dhigayaa xili ay jireen hadii maxaabiis
intaas legi xidhan yihiin ay kalabadh ahaan jireen muda dhaaf ama
xiliyo aanu waayiba jirey mudo bila ah nuqulada xukunada oo aanu
dhinac kanahay ama ay yarayd cid waxa kaantarooshaba,dhamaan
arimahaasina waxa ku amaanaya garsoorka aanu wada shaqayno gudiga
cadaalada iyo madaxweynahaba.
xaga xeer ilaalinta waxa jirtey in xiliyada qaar ay xabsiga aad ugu
badnaan jireen dad uxidhan dacwado medeni ah.waxa kaloo nasoo mari
jirtey xiliyo aanaan helijirin xaashida eeda ee maxbuuska aanu
metelayno.dhamaan caqabadahaasina hada way dabar go een ayaan odhan
karaa waxan amaan weyn usoo jeedinayaa xafiiska xeer ilaalinta iyo
ciidanka asluubta.oo iyaguna si hufnaan iyo wadaniyadi ku dheehantahay
u tix geliya xuquuqda maxaabiista iyagoo aan waxaba udhimayn
shaqadooda ku eg haynta qof sharci qabtay .sidaa awgeed waxan bulshada
karaaligelinayaa hadii ay jireen shaqsiyaad kaxanaaqsan dacwad ay
dhinac ka ahaayeen oo laga xukumay ama qaar aragtikale kaqabey.amakuwo
eedaymo kulul xeer ilaalintu saartay iyo wixii lamid ah waxan leeyahay
malihi wax waliba waa boqolkiiba boqol ee wax leeyahay waxabadan ayaa
inoo kordhay xaga kudhaqanka sharci iyo nidaamka garsoorida waxana
daliil u ah sharaxaada aan bixiyey iyo
Gudoomiyaha Solna Ee Gobolk Sanaag
Qareen Cali Siciid Jaamac “Cali Foolow”

1 2