Warmurtiyeed:- Xukuumada Madaxweyne Axmed-Siiraanyo Ka Yeeli Mayno Waxan Ay Wado.

image

Waxa Aanu Uga Digaynaa Xukuumada Axmed-Siiraanyo Talaabooyinka Maldahan Ee Dib Inoogu Celin Kara U Dabacsanaanta Wax Wada Lahaanshaha Soomaaliya Iyo Jamhuuriyada Somaliland,Sida Wada Lahaansha Hawada Iyo Wada Maamulkeeda.
Xafiis Laga Wada Maamulo Hawada Ayaa Hargeysa Laga Furayaa Waa Heshiis Ka Hor Imanaya Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland,Waa Heshiis Ku Lid Ah Go’aanka Shacabka Ee Gooni Isu Taaga Iyo Madax-Banaanida Jamhuuriyada Somaliland.Dalalka Reer Galbeedka,Turkiga Iyo UN-Tu Midina Nooma Go’aamin Karo Jiritaanka Iyo Aayaha Jamhuuriyada Somaliland.Waxii Saamayn Ku Leh Qaran-Nimada Jamhuuriyada Somaliland Ee Weliba Ku Wajahan Soomaaliya Cid Aan


Xuseen Xasan Badmaax
Shacabka Ahayn Oo Go’aan Iyo Heshiis Toona La Geli Kartaa Ma Jirto Sida Ku Cad Qodobadan Dastuuriga Ah:
QODOBKA 1AAD
QARANKA JAMHUURIYADDA SOMALILAND
1. Dalkii Maxmiyadda Ahaa Ee 26kii Juun 1960kii Gobanimadiisa Ka Qaatay Boqortooyadii Midowday Ee Ingiriiska Iyo Waqooyiga Ayrland (United Kingdom Of Great Britain And Northern Ireland), Lana Odhan Jiray Maxmiyadda Somaliland, Kuna Biiray Soomaliya 1dii July L960kii Si Ay U Wada Curiyaan Jamhuuriyadda Soomaaliya [Somali Republic] Ee Kula Soo Noqday Gooni-Isu-Taagiisa Go’aankii Shirkii Beelaha Somaliland Ee Burco 27kii April Ilaa 15 May L99lkii, Waxa Uu Halkan Ku Noqonayaa Sida Waafaqsan Dastuurkan Dal Madax Bannaan Oo Leh Xaqa Iyo Karaamada Qaranimadusa, Kuna Magacaaban “Jamhuuriyadda Somaliland”.
2. Awoodda Iyo Karaamada Qaranimada Waxa Leh Shacbiga; Wuxuuna U Adeegsanayaa Si Waafaqsan Dastuurka Iyo Xeerarka Kale.
QODOBKA 2AAD
DALKA JAMHUURIYADDA SOMALILAND
1. Dalka Jamhuuriyadda Somaliland Wuxuu Fidsan Yahay Bed (Area) Ahaan Dalkii Ia Odhan Jirey Maxmiyadda Somaliland Oo Tilmaan Ahaan Ku Yaalla Dhigaha (Latitude) 8° Ilaa 11° 30′ Waqooyiga Dhulbadhaha Iyo Loolka (Longtitude) 42° 45′ Ilaa 49° Bariga; Waxaanay Soohdimihiisu Ka Kooban Yihiin Berriga1 Jasiiradaha, Biyaha Gobolleed, Dhulka Iyo Badaha Hoostooda, Hawada Sare Iyo Xeebleyda (Continental Shelf).
2. Jamhuuriyadda Somaliland Waxay Xad La Wadaagtaa Dhinaca Waqooyi Gacanka Cadmeed; Dhinaca Bari Soomaaliya; Dhinaca Koonfureed Iyo Dhinaca Galbeed Jamhuuriyadda Federaalka Ah Ee Ltoobiya; Dhinaca Waqooyi Galbeed Jamhuuriyadda Jabuuti.
3. Dhulka Qaranku Waa Muqaddas; Waana Laguma Xad Gudbaan.
Nalaguma Qasbi Karo Maamulka Hawada Jamhuuriyada Somaliland Inaanu Cid La Wadaagno,Waxaanay Meel Ka Dhac Ku Tahay Jiritaanka Iyo Dawladnimada Jamhuuriyada Somaliland.
Waxyaabo Badan Ayaa Iskaga Keen Jira Soomaaliya,Taa Macnaheedu Maaha In Badda,Hawada Iyo Ciidamada La Wada Maamulo Ama La Sameeyo Xafiis Laga Wada Maamulo.Waa La Kala Tagay,Laba Dal Ayay-Nu Kala Nahay.Markaa Maaha Dhismaha Midnimada Soomaaliweyn Inaloo Muuseeyo.Hadaanay Taasi Jirin Maxaa Dawlada Djabuutina Loogu Soo Dari Waayay Maamulka Hawada.
Marnaba Ka Yeeli Mayno Xukuumada Madaxweyne Axmed-Siiraanyo Inay Hir-Geliso Xafiiska Ay Ku Tilmaamayso Heshiis Laba Dhinac Ah Ee Ku Saabsan Wada Maamulida Hawada.Hawadu Nagama Dhaxayso Soomaaliya,Dalkuna Nagama Dhaxeeyo,Hay’aad Yarina Naguma Qasbi Karto Danaheeda,Naf Iyo Maalba Waa Loo Huri Doonaa Hadii Laga Noqon Waayo Afduubka Dalka Lagula Kacay.

Human Rights Secretary
UCID Party
Hargeysa/JSL