Warsaxaafadeed ku saabsan Maalinta Ololaha Ictiraaf raadinta ee My Somalilnd 6da September.

image

(SM)27 March 2014 Qaar Ka Mid ah Muwaadiniinta Somaliland ee Degan Wadanka Sweden ayaa na Soo Gaadhsiiyey Qoraal ku saabsan Maalinta Icdtiraaf Raadinta Jamhuuriyadda Somaliland iyo Waajibka saaran Muwaadiniinta reer Somaliland , Warsaxaafadeedkan lasoo gaadhsiyay Salaanmedia.

 

Warsaxaafadeed

Bismilaahi Raxmaani Raxiim.

Anaga oo ah muwaadiniin reer SL ah, deganna dalka Sweden, magaalada Malmö oo kala ah:

Maxamed Yuusuf Bidhiidh (BADDA).
Dr Axmed Cismaan Xuseen.
Cismaan Xuseen Abokor (Cismaan Xamari).
Ogna baahida uu wadankeenu u qabo ictiraaf, waxa noo muuqatay sida uu shacabkeenu, gaar ahaan qurba joogu, u gabay halgankii aynu ugu jirnay aqoonsiraadinta, innaga oo u turjumanay in hawshaasi tahay wax aan ina khusayn oo dowladda uun u taala. Sidaa daraadeed ayaanu go’aansanay in aanu bilowno olole aanu ku baraarujinayno shicibkeena gudo iyo dibadba sidii halgankaa aqoonsiraadinta looga wada qaybqaadan lahaa. Waxaanu soo jeedinay fikradan ah maalinta ololaha aqoonsiraadinta somaliland ee aanu u bixinay My Somaliland, una astaynay in ay noqoto 6da september.

Fikradani waxay ku salaysantahay ah in aynu aasaasno maalin oleleed oo ay muwaadiniinta reer soomaliland, meelkasta oo ay adduunweynaha ka joogaan gudo iyo dibadba, soo bannaanbaxaan, ayaga oo muujiyaan in ay dhab ka tahay gooni’isutaaga Somaliland oo ay indhaha adduunweynaha ku qasbaan in ay ina soo eegaan, tusaana in qadiyada gooni isu taaga Somaliland tahay rabitaan shicibiga SL u dhanyahay. In qof kasta oo reer SL ah oo qurbaha deggani ka sii bilaabo in uu gaadhsiiyo qadiyada gooni isku taaga Somaliland jaarkiisa, shaqaalaha uu la shaqeeyo iyo ardayda uu dugsiga la dhigto. Runtii waxay ahayd in dadkeenu 365ka ayaamood ee sanadka oo dhanba taagnaado farasmagaalooyinka meelaha ay qurba joogteenu degantahay, inaga oo qadiyadeena gooni’iskutaaga u muujinayna caalamka in ay tahay wax qof kasta oo somalilander ahi rabo.

Ololahani wuxuu kaga duwan yahay kuwii hore in intii meel isku dhow degganiba ay magaalada ugu weyn ee u dhow iskugu tagaan maalintaa. Haddii ay dhacdo in ay dhowr qof ku deggan yihiin meelaha qaarkood, in ay maalintaa faras magaalaha meeshaasi is taagaan, iyaga oo sita calanka somaliland, hal-ku-dhigyo ay si cad ugu muujinayaan rabitaankooda gooni isu taaga Somaliland iyo garnaqsiyo qoraal ah oo ay dadka magaalada / tuulada la deggan siiyaan. Xataa hadii ay noqoto in qof kaligii joogo tuulo uu kaligii soo baxo oo uu is muujiyo maalintaa .

Waxaan shaki ku jirin oo hubaal ah, in haddii ilaa New zealand ilaa Alberton (Canada) aynu maalintaa is muujino oo u baxno farasmagaalayaashooda in aynaan ka qarsoomi karin indhaha caalamka. Sidaa daraadeed waxaanu ugu baaqaynaa dhammaana shacabka reer Somalilaland, meel ay joogaanba in ay nagala qayb qaataan oo nagu garab is taagaan ololahan MySomaliland. // MySomaliland.org iyo Facebook.com/MySomaliland6sept

Alaa mahad leh. Malmö 27/03/2014