Wasiir Ku Xigeenka Macdanta Somaliland Oo Ka Jawaabay Dhawaaqii Wasiirka Warfaafinta Maamulka Garoowe Digniina Udiray Puntland.

Wasiir Ku Xigeenka Macdanta Somaliland Oo Ka Jawaabay Dhawaaqii Wasiirka Warfaafinta Maamulka Garoowe Digniina Udiray Puntland.

0 0 0 0 0 0 0 0 0 0 00 0 0 0 00 0 0 00 0 0 0 0Wasirka

Hargeysa ( SM) Wasiir ku xigeenka Macdanta Somaliland Cabdisalaan Maxamed Xasan ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay in Puntland ku tawaawacdo in socdaalkii Madaxweyne Axmed Siilaanyo ee deegaanadda Sanaag bari siiba Magaaladda Laasqoray uu ahaa mid dhuumasho ah.

Wasiirka oo shalay magaaladda Hargeysa kusoo laabtay ayaa maruu madaarka Warbaahinta kula hadlayay soo hadal qaaday socdaalka Madaxweynaha Siibi kii Laasqoray oo uu ku tilmaamay guul usoo hoyatay Somaliland

Wasiir Abdisalaan waxa uu carabka ku dhiftay hadalka kasoo yeedhay Maamulka Garoowe oo  sheegayay in Madaxweyne Siilaanyo socdaalkiiso ahaa dhuumasho waxanu yidhi

” Nin Garoowe ka hadlayay oo Wasiirka Warfaafinta Puntland sheeganayay oo booqashaddi Madaxweynaha ee Laasqoray ku sheegay mid iska soo gelis ah oo aan qorsheysneyn waxan leeyahay iska hadle iska hadloow ina igare way qorshaysnayd waqtiguu ugu tala galay Madaxweynuhu buu joogay mashaariic buu ka dhagax dhigay isagana xadhiga ka jaraya oo wuu kusoo laabanayaa”

Wasiir Cabdisalaan Maxamed Xasan ayaa kamid ah Wasiiradda dhalasho ahaan kasoo jeedda Sanaag Bari Badhan iyo Laasqoray isla markaana saamayn togan ku leh ee deegaanadaasi.

Hargeysa/Somaliland