Wasiir Sacad Cali Shire oo ka hadlay Qorshaha Horumarinta Somaliland

Wasiir Sacad Cali Shire oo ka hadlay Qorshaha Horumarinta Somaliland

109sacad

Hargeysa, (SM)- Wasiirka Wasaradda qorsheynta qaranka Dr. Sacad Cali Shire ayaa sheegay in qorshaha sannadka 2012 ee xukuumaddu dejisay uu ku aadan yahay sidii wax looga qaban lahaa adeegyada bulshada.

Wasiirka oo la hadlay qaar ka mid ah warbaahinta ayaa tilmaamay in qorshaha sannadka 2012 uu socon doono muddo shan sannadood ah, kaasoo ku aadan wasaaraddaha iyo hay’addaha xukuumadda oo muujinaya waxqabad. Wasiirka oo arrimahaasi ka hadlayayu waxa uu yidhi, “Qorshaha qaranka waxaanu bilownay sannadkii 2012, waana qorshe shan sannadood ah oo soconaya ilaa 2016. Qaybo ku aadan wasaaraddaha iyo hay’addaha dawladda oo ka turjumaya waxqabadka xukuumadda iyo adeega bulshada loo samaynayo waxaanu ka kooban yahay shan tiir oo kala ah tiirka maamulka, dhaqaalaha, kaabayaasha arrimaha bulshada, tiirka deegaanka, tiir waliba waaxyo ayuu leeyahay, tusaale ahaan tiirka dhaqaalaha oo kale waxaa hoos imanaya wasaraddaha xoolaha iyo beeraha.”

Wasiirku waxa uu tilmaamay in wasaaradda qorsheynta ay waaxyaheedu u qaybsamaan shan waaxood. “Wasaaradda qorsheynta qaranku waxaa ka kooban tahay shan qaybood oo kala ah qaybta maamulka, xisaabaadka, qorshaha, tiro koobka iyo qaybta xogta.” ayuu yidhi wasiirku.

Salaanmedia/Hargeysa