Wasiir Sheegay In Uu Beenowday Dayradii Mucaaridka Jidka Ceerigaabo

Daawo Shirkii Jaraa’id ee Maanta ay wada hir u qabteen Wasiirka Warfaafinta Mr Cukuse iyo Wasiirul dawlaha Maaliyada Somaliland Mr Cadaani.

Hargeysa (SM)- Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Maaliyada Somaliland Cismaan Saxardiid Cadaani ayaa sheegay inay beenowday hadaladii xisbiyada mucaaridka ka soo yeedhayay ee ay ku sheegayeen in xukuumadu daacad ka ahayn dhismaha wadada Ceerigaabo.

Cismaan C/laahi Saxardiid Cadaani oo shalay qaar ka mida warbaahinta kula hadlayay magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag, ayaa waxa uu tilmaamay inuu gaadhay qalabkii lagu dhisayay wadada Ceerigaabo gobolkaas, waxana uu tilmaamay in uu yahay mashruucii ugu balaadhnaa ee dalka laga hirgaliyo.

Wasiirul-dawlaha wasaaradda Maaliyada Somaliland mudane Cismaan Saxardiid oo arrimahaasi ka hadlayaana waxa uu yidhi “safarkan aan Ceerigaabo ku tagnay waxa weeye sida aad ka warhaysaan muddo waxa laga sugayay magaalada Ceerigaabo qalabkii lagu dhisi lahaa wadada Ceerigaabo ee madaxweynuhu dhagax dhigay, waxaanad ka warhaysaan in qalabkaasi uu yimi anaguna qalabkaas ayaan soo galbinaynay qaybna Ceel Afweyn ayaanu keenay qaybtii kalena Ceerigaabo ayay bari gaadhayaan, magaaloyinkii uu soo marayay qalabka farxad ayay dadku ku soo dhaweynayeen.”

Cismaan C/laahi Saxardiid Cadaani waxa uu tilmaamay inay beenowday hadaladii mucaaradka ee ay kaga dayrinayeen dhismaha wadada Ceerigaabo, waxana uu yidhi “dad ayaa siyaasadeeyay arrin horumarineed oo halbowle u ah isku xidhka Jamhuuriyada Somaliland, ilaa bari ilaa galbeed laf dhabarna u ah iyo dadweynaha degaanka gobolka Sanaag oo mar ay yidhaahdaan lacagtii waa la cunay, la dhisi maayo iyo arrimo kale ayaa laga wataa, dabadeed dadku waxay leeyihiin imikana maxay odhan, waana mashruucii ugu waynaa ee Somaliland isku daydo laakiin geesinimadeena oo Madaxweynuhu ku tiirsan yahay umadiisa in uu ka midho dhaliyo arrintaa dhismaha wadada Ceerigaabo.”

Cismaan Saxardiid waxa kale oo uu ka hadlay idaacad la sheegay in ay hawada soo galayso oo la yidhaahdo Hilaal oo ay leeyihiin dad qurbo jog ahi, waxana uu yidhi “saxaafada madaxa banaan waanu aaminsanahay inay madax banaanaato waana inuu noqdaa saxaafadu haday tahay qoraal iyo hadal waxay ka hadlayaan waa inuu noqdaa mid ku salaysan runta iyo dhacdooyinka dhabta ah ee Somaliland ka dhaca.

Haday noqoto mid fidna wada oo Somaliland nabadgalyadeeda wax u dhimaysa wakhtigaas ayaa go’aan laga gaadhi doonaa, anaguna baadhi mayno xisbi xafiiskiisa sidii anaga lanoo baadhi jiray.

Waxaanan ku talinaynaa saxaafadu meel kasta ha joogaane inay noqdaan qaar ilaaliya danta guud ee Jamhuuriyada Somaliland.”

Salaanmedia/Hargeysa