Wasiirka Arimaha Dibada Soomaaliya Dr. Abdirahman D. Beileh oo bogaadiyay mashaariicda dowladda Turkigu ka fulisay Soomaaliya.

Dr. Abdirahman D. Beileh oo bogaadiyay mashaariicda dowladda Turkiga ay ka fulisay Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Dr. Abdirahman Dualeh Beileh ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha dowladda Turkey u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Cemalettin Kani Torun ,oo ay ka wada hadleen xoojinta Xiriirka iyo iskaashiga  u dhaxeeya labada dal .

Kulankani ayaa waxaa si qoto dheer loogu falan-qeeyay  horumarinta xidhiidhka Soomaaliya iyo Turkey,oo ah  xoojinta iyo dardar gelinta howlaha wadaaga ah ee  ka shaqeynaya danaha labada shacab ee walaalaha ah ,  waxaana xusid mudan in dowladda Turkiga oo ah saaxiibka runta ah ee Soomaaliya ay ka fulisay wadanka howlo gargaar bani’aadanimo, mashaariic horumarin oo la xiriira dib u dhiska waddooyinka ,caafimaadka,waxbarashada iyo taageero joogto ah oo dhinacyo badan leh oo ay u fidisay dowladda Federaalka Soomaaliya .

Kulankani oo si heer sare ah u dhacay ayaa ku soo idlaaday jawi farxad iyo reynreyn leh .

DSC04399DSC04401DSC04409DSC04410DSC04412DSC04413DSC04417DSC04418DSC04419

Xafiiska Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda
Section of Press and Public Relations