Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somalia oo la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Japan (Daawo Sawirada)

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo ay la socdaan Wasiirka Qorsheynta Saciid Cabdullaahi Maxamed iyo Wasiiradda Howlaha Guud iyo Dib-udhiska Nadiifa Maxamed Cusmaan ayaa maanta xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibada Dalkan Japan kulan kula qaatay dhigiis dalkan Japan.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo dhigiisa dalkan Japan Mr Fumio Kishida ayaa ka wada-hadlay xiiriirka labadda Dowladdood iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga ka dhaxeeya labada dalka.

Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa yiri “Dowladda Japan in muddo ah ayay caawineysay Soomaaliya ha ahadeen arrimaha gar-gaarka iyo la dagaalanka burcad-badeeda Soomaaliya. Waxaaannu ka wada hadalnay sidii aynu u xoojin lahayn tageerada iyo qaabka ay uga qayb galayaan mashaariicda horumarinta dalkeenna.” ayuu yiri Mudane Ducaale.

Ugu dambeen Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Duceele ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya dadaal xoog leh ugu jiro sidii xoojinta kalsoonida Dowladda Soomaaliya iyo Beesha caalamka.

Dhamaad.





Salaanmedia/Mogdisho