Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliya oo la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Kenya (SAWIRRO)

Wasiirka Wasaarada Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Dr. C/raxmaan Ducaale Beyleh, ayaa waxa uu maanta Magaalada Nairobi uu kula kulmay dhigiisa dalka Kenya haweeneyda lagu magacaabo Amina Maxamed Jibriil.

Kulanka, ayaa waxa uu ka qabsoomay Xarunta Wasaarada Maaliyada ee Kenya ay ku lee dahay Magaalada Nairobi, waxaana labada xubnood ku wehlinaayay Safiirada Somaliya iyo Kenya u kala joogga labada dal.

Wasiiradaan, ayaa waxay ka wada hadleen arrimo salka ku haaya xiriirka labada dal, ayna isku waafaqeen sidii loo xoojin lahaa xiriirka uu dalba, dalka kale la lee yahay.

Danjiraha Somaliya u fadhiya dalka Kenya Amb. Maxamed Cali Nuur (Americo), ayaa bogga uu ku lee yahay Facebook waxa uu ku sheegay in labada dhinac, ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka u dhaxeeya labada dal.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliya, oo la hadlay Warbaahinta Dowladda, ayaa waxa uu sheegay in Kenya ay ka caawin doonto tababarka Shaqaalaha Wasaarada Arrimaha Dibadda ee Somaliya ka hawlgala.

Dr. Beyle, ayaa sidoo kale sheegay in Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Kenya, ay u sheegtay in ay booqasho ku taggi doonto Magaalada Muqdisho, iyadoo markaasi la xoojinaayo xiriirka labada dal.