Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti oo sheegay in shacabka Somaliyeed ay ka wada hor yimaadeen Shabaabka

Wasiirka Wasaarada Arrimaha Dibadda ee Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf, oo ku laabtay Magaalada Jabuuti, ayaa wax laga weydiiyay xaalada Somaliya, wuxuuna sheegay in Somaliya ay maanta u baahan tahay taageerada Wadamada Jaamacada Carabta.

Wasiirka oo soo hadalqaaday hawlgalada ka soconaaya Somaliya, ayaa sheegay in ay si wanagasan ku soconayaan, la dagaalanka lagula jiro Ururka mayalka adag ee Al Shabaab.

Waxa uu intaa raaciyay in shacabka Somaliyeed ay iska wada naceen Ururka Al Shabaab, ka gadaal markii uu sheegay in ay ogaadeen inaanay wax mustaqbal ah u hayn Shabaabka.

Wuxuu sheegay in Ciidamada Jabuuti iyo Ciidamada kale ee Amisom, ay xilligaan qaadeen hawlgalo ballaaran, ujeedada Jabuuti ayuu ku sheegay in dhulka laga saaro Shabaab, ay la wareegto Dowladdu, dabadeedna ay Maamul u sameyso.

Dadka Deegaanka, ayuu sidoo kale sheegay in looga baahan yahay xasilinta iyo horumarka Deegaanadooda, in ay ka shaqeeyaan, kolba haddii laga saaray Ururka Al Shabaab.

Masuulkaan, ayaa xusay in Jabuuti ay daneyneyso in la helo dal Somaliyeed oo deggan, kana nabad galaan dalalka deriska la ah, argagaxisada iyo burcad badeeda ku xoogan Somaliya.

 

 
Warar Update ah 24-ka Saac Kala Soco MuqdishoNews.com

Warar kala duwan kala soco Somalitop.com