Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Dr.Bayle Iyo Wefti Uu Hogaaminayo Oo U Kicitimay New York Si Ay Uga Qaybgalaan Kulanka Golaha Ammaanka + SAWIRRO

Feb 28, 2014 Muqdisho(SM) – Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Dr. Abdirahman Dualeh Beileh ayaa maanta ka ambabaxay Caasimadda Muqdisho , iyagoo ku wajahan Xarunta Qaramada Midoobey ee Magaalada New York , halkaas oo uu ka furmayo Shir looga hadlayo arrimaha ammaanka Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM.

Shirka golaha ammaanka ay ka yeelanayaan arrimaha ammaanka Soomaaliya ayaa waxa uu socon doonaa maalmaha 6-8 bisha March.

Sanad ka hor ayaa xubnaha golaha ammaanka ee ka kooban 15-ka xubnood ay isla ogolaadeen in qeyb laga qaado cunaqabateynta hubka ee lagu soo rogay Soomaaliya , si dowladda Soomaaliya ay ugu suura-gasho inay soo iibsato hubka fudud .

Wafdiga Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga uu hogaaminayo ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Muqdisho ku sii sagootiyay Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada H.E. Said Jama Mohamed Qorshel , Wasiiru dowlaha Wasaaradda H.E. Buri’ Mohamed Hamza iyo diblomaasiyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga.DSC02075DSC02076DSC02077

Xafiiska Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda Section of Press and Public Relations

 

-DHAMAAN-

Xafiiska Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda

Section of Press and Public Relations