Wasiirka Arrimaha Gudaha S/Land Oo Ka Hadlay Dilkii Loo Gaystay Taliyihii Saldhiga Degmada Xaji Saalax.

waran

Burco(SM)-Wasiirka Arrimaha Gudaha S/land Cali Maxamed Warancade ayaa ka Hadley dilkii ka dhacay tuulada Xaaji Saalax  ee Gobolka Daad Madheedh.ee Dhawaan  dableyda hubaysani ku dileen allaha u naxariistee  Taliyihii Saldhiga Degmada Xaji Saalax.waxaan maalmihii u danbeeyey ku sugnaa deegaankaasi Masuuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirka Arrimaha Guduha, Wasiirka Degaanka iyo Wasiir ku Xigenka Ganacsiga.

Masuuliyiintani ayaa maanta Maamulka Gobalka Togdheer Kulan  Kula Qaatay Cuqaasha iyo Waxgaradkii Uu ka Soo Jeeday Alle How Naxariisti Taliyihii Saldhiga Degmada Xaji Saalax

Wasiirka Arrimaha Gudaha S/land Cali Maxamed Warancade oo maanta shir jaraaid ku qabtay magaalada Burco ee Xarunta Gobolka togdheer ayaa sheegay in ay dowlada ka go an tahay in ay gacanta ku soo dhigto gacan ku dhiiglihii diley Taliyihii Deegaanka Xaaji Saalax.

isagoo Wasiirku baaq u direy Cid Kasta Oo ka soo Jeeda Deganada ay ka Dhacday Shaqaqadu inay ilaliyaan Nabad-Galyada iyo Xasi-Loonida Deganadaasi.

Waxaanu yidhi:” Waxaan Hada ka soo Baxnay Shir Baladhan Oo Aanu la Qaadanay Beeshii Uu ka soo Jeeday Alle How Naxaristii Marxuumkii la Dilay,Runtii Waanu Wada Hadalnay Waxaananu Hore usoo Marnay Degaankii ay Shaqadadu ka Dhacday,Dowladda Waxa ka Go-an inay Gacanta ku soo Dhigto Cid Ale iyo Cidii Gaysatay Dilkaasi Foosha Xun,Si Looga Caago in Layska Dilo Qof islaam ah Sida imika Caadada Noqotay in Qof Xabad Layskaga Dhufto,Cida Qarisa Dablaydaas Ee Sharciga ka Qarisa Waxaan u Shegayaa inay Noqon-Doonto Sidii ilaahay Yidhi,”

Waxa ka Baqataan Masiibo Aan Samaynin Qofkii Sameyay Oo Kaliya,Haddii Aad Qarisan Cidii Samaysay Masibadaas Waxay Noqon Doontaa Mid Cidii Kasta Ee Gacan Siisa Caam ku Noqota Oo Dhibteeda Yeelata,Waxay Noqon Doontaa inaan la Dhaafin Sheekh,Shariif,Baayac Mushtari,iyo Cid Kastaba Cidii u Shurakowday inay Masibadaasi Dhacdo,Waxaanu ku Balanay Dadkii Laga Dilay Taliyihii Saldhiga inaanay Wax Danbe Aanay Dhicin Lagana Daba Tagin Wixii Hore Ee Dhacay,Waxaanan Wali ku Daba Jirnaa in Aanu Gacanta ku Soo Dhigno Dablaydii Gaysatay Dilkaasi Cadaladana Horkeeno” Ayuu Yidhi Wasiirka Arrimaha Guduhu.

Salaanmedia/Burco