“Wasiirka (Ciyaaraha) Waxaan Leeyahay Xaal Sii, Hablaha Iyo Hooyooyinka Reer Hargeysa” Cismaan Hindi

(SM-Hargeysa) – Siyaasiga Cismaan Cabdilaahi Cigaal (Cismaan Hindi) oo ah Mulkiilaha huteelka Crown ee Magaalada Hargeysa, ayaa ka hadlay hadal la sheegay in Wasiirka wasaaradda dhalinyarada ciyaaruhu ku sheegay in huteelada waaweyn ee lagu qabto xafladaha aroosyada ay yihiin meelaha fusuqa iyo dhaqan xumadu ka bilaabanto.

Cismaan Hindi, waxa uu sheegay inuu Wasiirka u soo jeediyey inuu arrintaasi xaal ka bixiyo, maadaama oo aroosyada ka dhaca huteelada waaweyn ee caasimadda Hargeysa ay qabsadaan hablaha iyo hooyooyinka ku dhaqan caasimadda Hargeysa.

Cismaan Hindi, oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargeysa, isaga oo deba socda hadalkaasi la sheegay inuu ka yeedhay Wasiirka Ciyaaraha, Cali Siciid Raygal, ayaa yidhi “Waxaan ku idhi Wasiir xaal sii beelaha reer Somaliland ee Hargeysa degga ee aad ku geftay ee aad ku sheegtay aroosyadooda meelaha fusuqa u ah aabo iyo hooyaba, nabadgalyo darana abuurta, wasiirka ilaa hadda kama hayo wax cudur daar ah”

Cismaan Cabdilaahi Cigaal (Cismaan Hindi), waxa kale oo uu sheegay “Waxa kaliya ee aan maqlayaa waxa weeyaan inuu wasiirku leeyahay saxaafaddu way iga been abuurtay oo annigu maan odhan..laakiin uma malaynayo in saxaafaddu ka been abuurtay, waayo wuu ka cadhoon lahaa oo wuu ka dagaalami lahaa, markaa waxaan leeyahay Wasiir Xaal Sii, hooyooyinka iyo hablaha reer Hargeysa ee aad ku geftay”ayuu yidhi.

Salaanmedia/Hargaysa