Home Wararka Wasiirka Duulista Hawada Oo Sifo Sharci Daro Ah Kula Wareegay Dakhli Ay...

Wasiirka Duulista Hawada Oo Sifo Sharci Daro Ah Kula Wareegay Dakhli Ay WasaaradaMaaliyadu Lahayd Oo Lagu Qiyaaso Kumanaan Dollar

image

Hargeysa,(SM) Wasiirka duulista hawada Somaliland, Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa ugu yaraan $60,000 (lixdan kun oo dollar) oo ahayd dakhli ay leedahay wasaarada maaliyadu si sharci daro ah sanadkii 2013-kii ugala wareegay shirkadaha diyaaradaha ee ka hawlgala dalka Somaliland.
Lacagtan oo wasiirku uu ku magacaabay Fee sanadeedka cusboonaysiinta ruqsada (license) waxa shirkadaha wasiirka uga soo ururiyey mulkiilaha xafiiska jara tigidhada diyaaradaha ee Safeway Cumar Siciid Ducaale kaas oo dabayaaqadii sanadkii hore lacag ay dawlada UK bixisay wasaarada duulista ugu soo iibiyey laba bas oon si fiican u shaqaynayn.
Wasiirka duulista Maxamuud Xaashi ayaa mudo saddex sanadood lagu qiyaaso waxa xafiiskiisa ku soo xaroonayey lacag dhan $13 taas oo laga qaado qof kasta oo ka dhoofaya madaarada Somaliland.
Lacagtan oo ah mid aan wasiirka lagala xisaabtamin (unaccountable) waxay isugu jirtaa $10 (toban dollar) oo ay naasha u qabato iyo Saddex dollar oo ay maaliyadu u qabato. Waxa intaas dheer hal dollar oo laga qaado gaadiidka galaya Madaarka oo wasiirka gaydhka loogu qabto.
Dhinaca kale waxa soo shaacbaxaya warar sheegaya in laba wasiir oo uu ka mid yahay Maxamuud Xaashi iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dawlada ay isku dayeen iyagoo cadaalada majaro habaabinaya inay dambabasaan arimo iyo kiisas halis ku ah amniga qaranka.
Wasiir Maxamuud Xaashi ayaanay noo suurtoobin inaanu ka helno waxa uu wararkan ka qabo kadib markii uu ka soo jawaab celin waayey telefoonadii aanu u dirnay.

Haatuf