Wasiirka Duulista Somaliland Oo u Ambabaxay Turkiga Si Ula Kulmo Dhigiisa Soomaaliya.

10154495_725341507486395_61907090_n

Hargeysa ( SM) Wasiirka wasaaradda duulista hawadda iyo gaadiidka cirka Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi oo ay wehelinayaan Laba Khabiir ayaa maanta ka amba-baxay Madaarka Cigaaal Airport iyada oo u sii jeeda dalka Turkiga halkaas oo ay wada hadal kula yeelan doonaan xubno ka socda dalka Soomaaliya.

Socdaalka Masuuliyiintani ayaa waxa lagu faahfaahiyey War saxaafadeed uu magaalada Hargeysa ka soo saaray Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Duulista iyo Hawadda Mr.Cumar Cabdilaahi Aadan (Cumar-Sayid), kaas oo u dhignaa sidan:-

“ Wasaaradda Duulista Hawadda iyo gaadiidka cirka Somaliland waxa ay halkan ku shaacinaysaa in maanta ay dalka ka amba-baxeen Wafti ka socda Xukuumadda Somaliland oo uu hogaaminayey Wasiirka Duulista iyo hawadda Md. Maxamuud Xaashi Cabdi iyo Laba Khabiir oo ka tirsan Wasaaradda Duulista oo kale ah Saciid Mahdi Ileeye (Saqiiro) iyo Maxamuud Biixi Taarwale, kuwaas magaalada Istanbul kaga qayb gali doona wada hadaladii Somaliland Iyo Soomaaliya ee ku saabsanaa arimaha maamulka hawadda oo hore ay dhinacyadu ugu heshiiyeen in laga hada hadlo.

Waftigani Somalliland oo ah guddi farsano ayaa waxa ay wadahadal fool-kafool ah la galin doonaan dhigooda dalka Soomaaliya, kuwaas oo ay ka wada hadli doonaan dhaqan galinta iyo sii ambaqaadka qodobkii sideedaad ee heshiiskii Somaliland iyo Soomaaliya ee Istanbul II, kaas oo dhigayey in labada dal ay sameeyaan guddi farsamo oo ka shaqaysa arimaha maamulka hawadda labada dal.
Wasaarada duulista hawadda iyo gaadiidka cirka Somaliland waxa ay shacabka iyo saxaafadda la socod siin doontaa wixii najiito ah ee shirkaasi ka soo baxa, INSHA ALLAH.”

ALLA MAHAD LEH.
Cumar Cabdilaahi Aadan
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Duulista iyo Hawadda JSL.
29/03/2014. — with Zayid Omar Abdilahi.

Photo: Wasiirka Duulista Somaliland Oo u Ambabaxay Turkiga Si Ula Kulmo Dhigiisa Soomaaliya.

Hargeysa ( ..) Wasiirka wasaaradda duulista hawadda iyo gaadiidka cirka Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi oo ay wehelinayaan Laba Khabiir ayaa maanta ka amba-baxay  Madaarka Cigaaal Airport iyada oo u sii jeeda dalka Turkiga halkaas oo ay wada hadal kula yeelan doonaan xubno ka socda dalka Soomaaliya.

Socdaalka Masuuliyiintani ayaa waxa lagu faahfaahiyey War saxaafadeed uu magaalada Hargeysa ka soo saaray Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Duulista iyo Hawadda Mr.Cumar Cabdilaahi Aadan (Cumar-Sayid), kaas oo u dhignaa sidan:-

“ Wasaaradda Duulista Hawadda iyo gaadiidka cirka Somaliland waxa ay halkan ku shaacinaysaa in maanta ay dalka ka amba-baxeen Wafti ka socda Xukuumadda Somaliland oo uu hogaaminayey Wasiirka Duulista iyo hawadda  Md. Maxamuud Xaashi Cabdi iyo Laba Khabiir  oo ka tirsan Wasaaradda Duulista oo kale ah Saciid Mahdi Ileeye (Saqiiro) iyo Maxamuud Biixi Taarwale, kuwaas magaalada Istanbul kaga qayb gali doona wada hadaladii Somaliland Iyo Soomaaliya ee ku saabsanaa arimaha maamulka hawadda oo hore ay dhinacyadu ugu heshiiyeen in laga hada hadlo.

Waftigani Somalliland oo ah guddi farsano ayaa waxa ay wadahadal fool-kafool ah la galin doonaan dhigooda  dalka Soomaaliya, kuwaas oo ay ka wada hadli doonaan dhaqan galinta iyo sii ambaqaadka qodobkii sideedaad ee heshiiskii Somaliland iyo Soomaaliya ee Istanbul II,  kaas oo dhigayey in labada dal ay sameeyaan guddi farsamo oo ka shaqaysa arimaha maamulka hawadda labada dal.

Wasaarada duulista hawadda iyo  gaadiidka cirka Somaliland waxa ay shacabka iyo saxaafadda  la socod siin doontaa wixii najiito ah ee shirkaasi ka soo baxa, INSHA ALLAH.”

ALLA MAHAD LEH.

Cumar Cabdilaahi Aadan

Agaasimaha guud ee  Wasaaradda Duulista iyo Hawadda JSL.

29/03/2014.
1Like ·  · Share