Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland oo lagu eedeeyay inuu hoosaasiyey dedaalkii loogu jirey cidhibtirka xaalufinta kaymaha degaanka GOOF oo ka tirsan Degamada Ceerigaabo.

Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland oo lagu eedeeyay inuu hoosaasiyey dedaalkii loogu jirey cidhibtirka xaalufinta kaymaha degaanka GOOF oo ka tirsan Degamada Ceerigaabo.

cadami

CADAANI

Waxa in muddo ahba ka jirtey degaano badan oo dhulka Soomaalidu degto ah xaalufin ay sababtay dhulkii kaymaha ahaa ee xoolaha lagu dhiqi jirey oo dhirtii ka bixi jirtey iyadoo nool la gubey laga dhigay dhuxul, taasi oo maraakiib lagu rarro loona dhoofiyo dalka debadiisa. Waxa aafadaasi si gaar ah usaamaysay degaano ka tirsan gobolka sanaag, siiba degaanada ku hareeraysan degmada Ceerigaabo oo caan ku ahaa kaymo roobaad shareeran(rain forest) oo xiliyadda jiilaalka ay dadka iyo duunyaduba ku sabata baxaan.

 

Waxa degaanadaas dhaawaca weyn ee dhuxulaysiga ahi soo gaadhey ka mid ah degaanka Soolgeriyo oo kufadhiyey dhul baaxadiisu dhantahay 30 km2 . Degaankaas oo degmadiisu tahay GOOF ayaa dhuxulaysigaasi ku socdey mudo ka badan 10 sano, taasi oo dawladihii Somaliland ee wadanka isaga danbeeyey iyo hay’adaha caalamiga ahiba ay iska dhegamareen wax ka qabadka masiibadaas dad samayga ah (Manmade disaster).

 

Ka dib markay arkeen in kayntii Soolgeriyo ay 70% baaba’day aananyna jirin cid danaynaysa wax kaqabashadeeda ayaa dhalinyaro kasoo jeeda degaankaas oo fadhigoodu yahay Ceerigaabo isu xilqaameen inay badbaadiyaan degaanka iyagoo Alle la kaashanaya gacanna ka helaya waxgaradka degaanka. kadib wacyigelin badan oo socotey mudo labo sano kudhow kuguulaysteen in lasoo afjaro dhuxushii laga shidi jirey degaankaa oo ka dhoofi jirtey magaalada Boosaaso.

Kadib markii ay dhalinyaradaasi gushaa ku talaabsadeen ayaa waxa Gaaska 6aad ee ciidamada qaranka Somaliland ee fadhigoodu yahay magaalada Ceerigaabo ugu deeqeen 30 askari oo soolka ilaaliya taasi oo dadka degaanku bixiyeen kharashkooda iyo gaadiidkay ku hawlgeli lahaayeen, Taasi oo sii xoojisay joojintii gubista dhirta.

 

Iyadoo ahalkaasi marayso ayaa waxa dhowaan sodaal magaalada Ceerigaabo ku yimi wasiirka gaashaandhiga Somaliland Axmed X. Cali Cadami oo la kulmay gaadhi ka yimi dhinaca Puntland si tuugo ah dhuxul u qaadayey. Kadib markay ciidamadu gaadhigaasi qabteen ayaa Wasiirka gaashaandhigu amar ku bixiyey ina sii daayo gaadhigaas. Isagoo sabab uga dhigay in qabashada gaadhigu ay keeni karto amaan darro, taasoo aanay dad badani rumaysnayn. Waxay taasi keentay in Ciidamadii kazoo guuraan maadama aanay xilkoodii gudan karayn. Waxana wasiirku taas kaga jawaabay inuu ciidan cusub oo ilaaliya sooka dejin doono GOOF , Ciidankaas oo wadan doona Gaadiidkooda. Balantaas uu wasiir cadami qaaday oo aan ilaa inimka rumoobin, dadka qaarna u arkayeen hoosaasin, ayaa waxa dib usoo noqotay in soolkii la gubo dhuxulaysigiina xowli cusub oo ka badan kii hore qaato. Taasi oo keentay hadal hayaanta ay dadka degaanku inay abaabulaan CIIDAN BEELEED ilaaliya degaanka. Anagoo ka duulayna balantii wasiirka, soo noqoshada dhuxulaysiga iyo inay abuuranto dad si gaara isu abaabula oo ay hadhow inagu adkaato kantaroolkoodu waxaanu wasiirka ka codsanaynaain inuu si degdeg ah ufuliyo balantaas.

 

An English article outlining the above will follow soon.

 

SHAXAN ENVIRONMENTAL PROTECTION GROUP.

 

Ceerigaabo