Wasiirka Macdanta S/land Xuseen Heshiis Xaalkiisu Ma Waxa Weeye Roobya-haw Onkodkaaga Waa La Maqlaa Se Daadkaagu Ma Qulqulo

maqaal

Faalo Wasiirka Wasaarradda Macdanta Iyo Tamarta S/land  Mudane Xuseen Cabdi Ducaale [xuseen heshiis] Ayaa Tan Iyo Markii Xilka Loo  Wasiirnimo Loo Magacaabay Waxa Uu Bil Walba Sheegaa Shirkaddo Caalami Ah oo Dalka Kasoo Saari Doona Khayraadka Dabiicigaa ee Dhulkeena Ku Jira Sidoo Kale Waxa Wasiirku Ku Luuqeeyaa Ammaba Uu Had Iyo Goor Warbaahinta Ka Shaaciyaa Dad Ajaaniib Ah oo Uu Ku Sheego Sharaa.ig Ay Heshiis Lagaleen Ka Wasaarad Ahaan Amma Ka Xukumad Ahaanba Iyadoo Si Wayn Loo Xasuusto Shirkaddii Sahaminta Shidaalka Ee Dalka Galabta Qudha Ka Laalaabatay  Iyadoo Aanay Jirin Wax Laga Xusi Karro Heshiiskeedii  oo Dhaxal Gal Ahi Marka Laga Yimaaddo Khasaarihii Balaadhnaa ee Ay Ugaysatay Deegaanaddii Ay Martay Shirkadaasi oo Ay Ku Reebtay Xaalufin Raad Wayn Hadaba Waxayaabaha Yaabka Ku Ah Bulshadda Heshiiskan Maalin Walba Afka Laga Sheegaayo ee Aan Hadana Midho Dhalka Aan Mid   Qudhi Ka Noqonayn Waxanay Kamid Tahay Labo Arimood oo Igu Kalifay Hal Ku Dhiga Ciwaanka Iyo Maqaalkan Caawaba Midi Waa Magaca Cusub ee Wasiirka oo Ah Xuseen Heshiis Midina Waxa Weeye Roobkan Onkodkiisa Uun La Maqlaayo een Daadkiisu Soconayn Hadaba Waxan Ku Soo Koobayaa Caawa Maqalkan Dadka Yaan La Jaah Wareerin oon Waxaan Jirin Lagu Dawakhin Khayraadka Dalkana Waa Inay Xukumaddu Shuruuc Usamaysaa Shacabkuna Waa Inay Waxa Loo Sheegaayo Caqligoodda La Kaashadaan Khayraadka Dalkoodana Ilaashadaan 

 
by by Sacad Cali Kaahin plucky