Wasiirka Dawlada Ingiriiska u qaabilsan Africa Mark Simmonds wuxuu soo dhaweeyay weerarkii dhawaan ay qaadeen ciidamada midowga Africa ee ku sugan Somalia (AMISOM).

Wasiirka qaabilsan Africa Mark Simmonds wuxuu soo dhaweeyay weerarkii dhawaan ay qaadeen ciidamada midowga Africa ee ku sugan Somalia (AMISOM).

Mr Simmonds wuxuu yidhi:

 1

“ Waxaan ku faraxsanahay inaan maqlo hawl galada dib loo cusboonaysiiyay ee ciidamada midowga Africa (AMISOM) inay dhalisay ama keentay qabashada dhaw magaalo oo ku yaal galbeeda Somalia oo laga qabsaday Al Shabaab.  Argagaxisa nimada Somalia ka jirtay waxay si toos ah khatar ugu tahay UK iyo danaha UK, waxaa naga go’an inaan gacan ka gaysano oo taageerno AMISOM,  si labadeena u dhexaysa ama anagoo u sii marinayna ururada sida UN ta iyo EU.

“AMISOM waa in lagu qiimeeyo dadaaladooda ay wadaan si ay ugu soo ceshaan nabad iyo daganaansho Somalia. Ka qayb qaadashada ciidanka qaranka Soomaaliyeed (SNA) hawl galadaan aad baa loo soo dhawaynayaa; amaanka xiliga fog ee Somalia wuxuu ku xiranyahay sida ciidankeeda qaranka u hormaro.

 2

Si kastaba ha ahaatee, Al Shabaab waa khatar wali taagan, sida ay dhawaan u muujiyeen weerarkii ay ku qaadeen Madaxwayne Hassan Sheikh Mohamud 21 February.  Hadii Hawl galada oo sii socdaan, waxaa muhiim ah in Dawlada federaalka ee Somalia iyo bahwaynta caalamiga ah inay taageeran dadaalka dib u dajinta si loo xaqiijiyo guulaha AMISOM iyo Ciidanka qaranka aysan noqon kuwa dhanka kale u noqda, ama horay u socon”.

All the latest news is available on the Foreign Office page of the gov.uk website at: www.gov.uk/fco

By Abdihafid Mahamud Jama

London UK

E-mail abdihafid@gmail.com

Twitter @ABDIHAFIDUNITV