Waxa La Isku Qabsaday Halkii Lagu Aasi Lahaa Maxamed Saleebaan Tubeec, Hase Ahaatee Lama Ogayn Waayi’hiisii Xiliyadii Danbe

Waxa La Isku Qabsaday Halkii Lagu Aasi Lahaa Maxamed Saleebaan Tubeec, Hase Ahaatee Lama Ogayn Waayi’hiisii Xiliyadii Danbe

SirMaxamuudLondonSOOMAALIDU WAXAY ISKU QABSATAY HALKII LAGU AASI LAHAA MAXAMED SALEEBAAN ILAAHAY HAW NAXARIISTEE MARKUU NOOLAANA LAMA OGAYN WAAYIHIISA GABAYGAN AYAA MATALAYA WAXAANU YIDHI

Soomaalidu murtida kama maarantoo Waa midhkii haga e.
Qofba waayahiisaa ku mudan kuna mashquulaaye.
Meeshii aan ku ababee aniga mawle iga beeray.
Wacyigay mastaafuriyayee kama maqnaadeene.
Marti iyo qaxootuu I baday magansi gaaleedee.
Maamuuska sharaftaa ka wacan maalka lacageede.
Midna joogi maayoo dunida mawdka loo simane.
Magac qaar lahaayoo horaa helin mudnaantoode.
Marka ay dhintaanbay dabeed wada majiirtaane.
Inta gaajo miratee aan hayn maalin waxuu quuto.
Mahlakeeyey cuduree hadana loo maciinaynin.
Ayaa meelkastaba ku nool oo hadana
Aydun moogtihine…
Idinkoon mashquul iska dhigayn madasha aaskayga.
Maareeya kuwaasaa jirood magac wadaagtaane.
Hadiise maanka cudur uu ku dhaco muruq shaqaynwaaye
Maxayga galay meeshii lay bud dhigo maytibaan ahaye..

WA BILAAHI TOWFIIQ
AL-FANAAN SIR MOHAMUD
LONDON UK